U gudub macluumaadka ku jira
Vapaa-aika Helsingissä

Waqtiyada firaaqada iyo Helsinki

Waa la daabacay15.06.2022
Caasimadda Finland waxaa laga helaa fursadaha ugu fiican ee lagu dheellitiro shaqada iyo wakhtiyada firaaqada. Helsinki waxaa laga helaa waxyaabo badan oo dhaqanka iyo isboortiga iyo bey’ad cagaaran oo albaabka guriga u dhow.

Dhacdooyinka

Maktabadaha

Helsinki dhaxdeeda waxaa ku yaalla maktabado faro badan oo kala gedisan. Intaas waxaa dheer labo gawaarida maktabadda ah oo ku wareega magaalada Helsinki. Maktabada maktabadaha-HelMet. Maktabaha-HelMet waxaa sidoo kale ka tirsan maktabadaha Espoo, Vantaa iyo wuwa Kauniainen. Maktabadaha-HelMet waxay leeyihinn adeeg xagga shabaka internetka ah oo ka dhaxaysa. Adeega shabakada internetka wax ayaad ka raadin kartaa ama ka qabsan kartaa. Sidoo kale waxaad internetka ka cusbooneysan kartaa materiaalkii aad horay uga soo amaahatay.

Ugu dhawaan dhamman adeegyada maktbadu waa kuwa lacag la'aan ah. Si aad u isticmaashid adeegyada maktabada, waxaad u baahantahay kaarka maktabada. Kaarka maktabada waxaad ka qaadan kartaa meelkasta oo ka mid ah maktabadaha-HelMet. Soo qaado waraaqahaaga aqoonsiga Kaarka maktabada waxaa la siiyaa qof degan Finland. Haddii aadan lahayn afarta lambar ee aqoonsiga, kaarka maktabadu wuxuu shaqaynayaa sannad markiiba.

Maktabadaha Helsinki buugaagta ugu badan waxay ku qoran yhiin luuqada Finnishka iyo Iswidishka, laakiin waxaad sidoo kale amaahan kartaa buugaagtaas oo ku qoran luuqado kale oo aad u faro badan. Maktabado badan waxaad ka heleysaa buugaag ku qoran Ingiriis, Jarmal, Faransiis, Talyaani, Ispanish, Viro iyo Ruush.

Maktabada luuqadaha badan

Maktabada weyn ee Pasila waxay ku dhex taalla maktabada luuqadaha badan (Monikielinen kirjasto). Halkaas waxaa yaalla buugaag ku qoran in ka badan 60 luuqadood oo kala duwan. Waxaa dalban kartaa in buugaagta laguugu soo wareejiyo maktabadaha kale.

Haddii aad leedahay kaarka maktabada, waxaad sidoo kale akhrisan kartaa buugaagta ama jariidadaha elektronikda ah, waxaadna komputerkaaga, tabletkaaga ama telefoonkaaga smartiga ka daawan kartaa filimaanta.

Sidoo kale Helsinki waxaa ku yaal maktabado kale, tusaale ahaan kuwa jaamacada iyo macaahidda sare.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Maktabadaha .

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunginkirjasto

Maktabada luuqadaha badan

Isboortiga

Waxaad hiwaayad ka dhigan kartaa noocyo badan oo isboorti ah oo ku yaalla Helsinki dacaladeeda. Helsinki waxaa ku yaalla hoolal badan oo lagu dabaasho, meelo lagu jimicsado, garoomo isborti iyo wadiiqooyin lagu lugeeyo ama lagu ordo.

Magaalada Helsinki waxay koorsooyin isboorti u qabataa dadka waaweyn ee magaalada degan. Xilliga xagaaga xadiiqooyinka magaalada dacaladeeda ku yaal waxaa lagu qabtaa isboorti jimicsi qoob ka ciyaar oo kale ah.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Isboortiga.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Ciyaaraha gudaha

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Jimciyadaha jimicsiga

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Jimicsiga la hago

Ku dhaqdhaqaaqidda duurka

Helsinki bii'adu waa dhowdahay. Jardiinooyinka, xeebaha badda, keynta iyo soonaha bii'ada ee dhowran waad u socon kartaa, baaskiil u wadan kartaa ama waxaad ugu safri kartaa metrooga, basaska, tareenka, taraamka ama doonta.

Bogagga magaalada Helsinki waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan keynta Helsinki iyo soonaha Helsinki u dhow ku taal.

Helsinki waxaa sidoo kale ku yaal jasiirado loo socod tago, kuwaas oo lagu tegi karo doomo. Suomenlinna iyo jasiiradda Harakka waa meelaha loo daawashada tago ee taariikhiga ah. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan jasiiradaha loo socodka tago iyo gaadiidka biyaha waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Helsinki. Bogagga waxaa sidoo kale ku jira macluumaadyada doon ku wadista Helsinki.

Waxaad ku kaloomeysan kartaa maqaalinta, barafka hoostiisana waad ka soo jilaaban kartaa kalluunka adigoo aan heysan ruqsad gaar ah. Waa lacag la'aan. Kalluumeysashada kale waxaad ugu baahan tahay ruqsad lacag ah. Bogagga magaalada Helsinki waxaad ka heleysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan meesha aad ka iibsan karto ruqsadaha kalluumeysiga.

Laymanka kalluumeysiga iyo haraayada kale ee kalluumeysiga bay'ada loogama tegi karo. Waxay dhib badan u geysan karaan shimbiraha iyo xayawaanada kale.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Ku dhaqdhaqaaqidda duurka .

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Soonayaasha bannaanka

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Doon wadista

Tiyaatarka iyo filimka

Helsinki waxaa ku yaal tiyaataro badan. Bandhigyada badankooda waa kuwa luqada Finnishka lagu sameeyo. Helsinki waxaa sidoo kale ku yaal tiyaataro badan oo luqada Iswidishka ku looga hadlo.

Bandhigyada tiyaatarada waxaad ka raadsan kartaa kalantarka dhacdooyinka, bogagga myhelsinki.fi iyo stadissa.fi.

Helsinki waxaa ku yaal arkistada filimka iyo tiyaataro filimeedyo badan. Kalantarka dhacdooyinka waxaad ka heleysaa macluumaadyada festifaalka filimada ee gudaha Helsinki.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Tiyaatarka iyo filimka .

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaKansallinen audiovisuaalinen instituutti

Macluumaadyada filimada iyo bandhigyada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaCinema Mondo

Tiyaatarka filimada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaFinnkino

Filimada

Madxafyada

Helsinki waxaa ku yaalla matxafyo faro badan. Macluumaadka ku saabsan matxafyada waxaad weydiin kartaa la talinta dalxiiska ee Helsinki.

Helsingin matkailuneuvonta (La talinta dalxiiska ee Helsinki)
Cinwaanka: Kaivokatu 1 (Xarunta ugu weyn ee tareenada Helsinki)
Tel:09 31013300

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Matxaf .

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaAteneum

Ateneum

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaSuomenlinna

Suomenlinna

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaLuonnontieteellinen keskusmuseo

Maxafka dhexe ee cilmiga bii'ada

Hiwaayadaha carruurta iyo dhalinyarada

Xarunta farshaxanka ee Annantalo waa aqal farshaxan oo ku yaal bartamaha Helsinki looguna talogalay carruurta iyo dhalinyarada. Cinwaanku waa Annankatu 30. Annantalo waxaa ka dhaca barashada farshaxanka, bandhigyo, bandhig qoob ka ciyaar ah iyo bandhigyo masraxiyadeed. Sidoo kale Helsinki aqaladeeda kale ee dhaqamada waxaa carruurta iyo dhalinyarada loogu qabtaa dhacdooyin xagga dhaqamada ah.

Xarunta dhaqanka caruurta ee Musikantit waa xarun hawleed, lagu qabto dhacooyinka qoysaska, riwaayadaha caruurta, bandhigyo iyo tiyaatar. Xarunta carruurtu waxay ku barankaraan muusikada, jilitaanka, farshaxanka iyo qoob kaciyaadka luuqado ka gedisan ah.

Sidoo kale caruurta waxaa fursad loo siiyaa hiwaaydo badan oo jimicsi ah. Tusaale ahaan magaalada Helsinki waxay caruurta u qabataa jimicsiga jumpada, barashada dabaasha iyo jimicsiyaal badan oo kale. Sidoo kale shirkado badan oo gaar loo leeyahay ayaa carruurta u sameeeya hiwaayadaha jimicsiga.

Xarunta arimaha dhalinyarada (Nuorisoasiainkeskus) waxay carruurta iyo dhalinyarada ay da'doodu u dhaxayso 9-18 sano siisaa fursado hiwaayadeed oo faro badan. Bogga internetka ee munstadi.fi waxay dhalinyadara looga helayaa wax qabadyo faro badan iyo hiwaayado. Sidoo kale adeegga waxaa laga helayaa Ruuti, oo isku soo aruuyiya fikradaha iyo soo jeedinta dhalinyarada. Sidoo kale Helsinki waxaa ku yaalla aqalo faro badan oo dhalinyarada, kuwaas oo dhalinyaradu ay ku qaadan karaan waqtiyada firaaqada.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Hiwaayadaha carruurta iyo dhalinyarada .

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Jimciyadaha jimicsiga

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Hiwaayad raadin

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTyttöjen talo Helsinki

Kaalmada iyo waxqabadka gabdhaha loogu talagalay

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaPoikien Talo

Guriga wiilasha

Ururada

Helsinki waxaa ka hawlga ururo kala duwan oo aycadaddoodu ay aad u badan tahay, tusaale ahaan ururo dhaqamo iyo ururo jimicsi. Sidoo kale Helsinki waxa ku yaalla ururo badan oo ay leeyihiin dadka waddanka u soo guurey.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri: Ururada.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Waxqabadka ururka