Barashada afka Finnishka
Koorasyada luqadda
Koorasyada luqadda finnishka waxaa qabanqaabiya tusaale ahaan machadyada dadka waaweyn, machadyada dadka shaqeeya, jaamacadaha iyo jaamacadaha xagaaga. Koorasyada waxaa mararka qaar laga galaa iyadoo goobta shaqada loo soo marayo. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa adeegyada talabixinta ee degmadaada iyo magaalooyinka waaweyn oo laga helo adeegga Finnishcourses.fi.
Koorasyadu waxay inta badan billowdaan Agoosto ama Sebtembar iyo Janaayo. Koorasyada waxaa inta badan la dhigan karaa habeenki. Koorasyada luqaddu inta badan way buuxsamaan, iska diiwaangeli koorasyada wakhti hore.
Waxbarashada la qabsashada
Haddii aad shaqo la’aan tahay, Xafiiska shaqada ama adeegyada shaqaaloobidda ee degamadaada ayaa kugu hagi kara waxbarashada la qabsashada ama adeegyada kale ee taageera aqoonta luqadda. Waxbarashada la qabsashada waxaa lagu bartaa luqadda, sida ay bulshada Finnishku u shaqayso iyo sida Finland shaqo looga raadsado.
Faahfaahin dheeraad ah ka qri bogga La-qabsashada Finland .
Waxbarashada Xafiiska shaqada iyo meheradaha
Haddii aad shaqo la’aan tahay, waxaa laga yaabaa in aad xaq u leedahay waxbarashada luqadda iyo adeegyada kale ee uu qabanqaabiyo Xafiiska shaqada iyo meheradaha. Faahfaahin dheeraad ah weydii Xafiiska shaqada iyo meheradaha ama adeegyada shaqaaloobidda ee degmadaada.
Faahfaahin dheeraad ah ka aqri bogga Haddii aad shaqo la’aan noqotid .
Waxbarashada diyaarinta ah
Waxaa kale oo luqadda finnishka lagu baran karaa waxbarashada u diyaargarowga ah ee waxbarashada dugsiga farsamada VALMA, ama waxbarashada u diyaarinta dugsiga sare LUVA.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada diyaarinta ah ka aqri bogagga Waxbarasho xirfadeed iyo Dugsiga sare .
Kafateeriyada luqada iyo kooxaha wada sheekeysiga
Waxaad afka Finnishka u baran kartaa qaab wada sheekeysi ah. Maktabado iyo ururo badan ayaa qabanqaabiya kafateeriyada luqadda iyo kooxaha wada sheekeysiga, halkaas oo aad ku baran karto ku hadalka Finnishka.