U gudub macluumaadka ku jira
Työ ja yrittäjyys Espoossa

Shaqada iyo ganacsiga Espoo

Waa la daabacay29.04.2022

Shaqo miyaad Espoo ka raadinaysaa mise waxaad u baahan tahay in lagaa caawiyo shaqo raadinta? Baro adeegyada kaala talinaya islamarkaasna kaa caawinaya helitaanka shaqada ama shirkad aasaasidda.

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Korona fayraska COVID-19

Halkee laga heli karaa?

Adeegyada xafiiska shaqada iyo xoogsashada

Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Uudenmaa ayaa kaa caawinaya codisiga shaqada. Xafiiska Espoo wuxuu ku yaalaa Leppävaara.

Upseerinkatu 3B
02600 Espoo

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTyö- ja elinkeinoministeriö

Xafiiska shaqada ee Uusimaa, Espoo

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTyö- ja elinkeinoministeriö

Boosaska shaqo ee bannaan

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisa

Shaqooyinka ka banaan magaalada Espoo waxaa ka heleysaa bogga internetka magaalada.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEspoon kaupunki

Boosaska shaqooyinka magaalada

Seure (Seure) waa shirkad xagga adeegga kireynta shaqaalaha qabata, oo bixisa shaqooyinka tuur tuurashada ah ee magaalooyinka Helsinki, Vantaa, Espoo iyo Kauniainen. Shaqooyinka ay bixiso Seure tusaale ahaan waa shaqada iskuulada, xanaanada carruurta iyo isbitaalada.

Cawinaad xagga codsiga shaqada

Xarunta aqoonta Omnia ee dadka dalka u soo guuray

Xarunta aqoonta Omnia waxay kaa caawinaysaa codsiga shaqada iyo raadinta waxbarasho kugu habboon. Adeegga waxaa loogu talaggalay dadka reer Espoo ee shaqo la’aanta ah.

iimaylka: oske(at)omnia.fi

Dhalinyarada 30-ka sano ka yar

Samaynta Shirkad ganacsi

Haddii aad dooneysid inaad shirkad ganacsi samaysato, waxaa cawinaad ka heli kartaa YritysEspoo. Waxay kaa caawinayaan horumarinta fikrada ay ku salaysan tahay shirkada ganacsigaagu ama qorshaynta waxqabadka ganacsiga. Adeegyaduna waa bilaash.

Shabakadda Business Espoo waxay ku caawinaysaa, marka aad dooneyso in aad Espoo shirkad ka aasaasto, waxbarasho ka hesho, shaqaale ka qorato, caalami noqoto ama xiriiro cusub hesho. Adeegyadu waa lacag la’aan.

NewCo Yritys Helsinki waxay bixisaa la talin shakhsiyan ah oo ku saabsan samaynta shirkad ganacsi, waxay qabataa munaasabado ay ku bixinayso macluumaad ganacsi iyo waxbarid ganacsade oo ku baxaysa luuqado kala gedisan.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTyö- ja elinkeinoministeriö

Adeegyada loogu talagalay ganacsadaha

Ganacsatada reer Espoo waxaa sidoo kale caawiya ururka ganacsatada Espoo (Espoon Yrittäjät ry). Waa urur ay shirkadu wada leeyihiin, kaas oo xubnihiisa siiya tusaale ahaan waxbarasho xagga ganacsiga ah, wada shaqayn iyo la talin.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEspoon yrittäjät

Ururka ilaaliyaha danaha shirkadleyda

Canshuurid

Xafiiska canshuuraha ee magaala madaxda iyo agagarkeedu wuxuu ku yalaa Helsinki Kluuvi cinwaanka ah Aleksanterinkatu 9.

Dadka muhaajiriinta ah waxey sidoo kale ka daneysan karaan goobta adeegga ee International House Helsinki. Khuburada Kelada iyo Maamulka canshuuruhu waxey talo ka siiyaan muhaajiriinta Finland shaqo u imaanaya arrimaha la xiriira canshuuraha iyo ammaanka bulshada.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisa