Nolosha Finland

Tietoa Espoosta

Warar ku saabsan Espoo

Gaadiidka

Gaadiidka dadweynaha

Espoo iyo dhammaan agagaarka caasimadda waxaa ka jira iskuxir gaadiid wannaagsan. Espoo waxaa ku yaal dhowr maxaddo-tareen iyo metro. Magaalada waxaa dhexmara wadooyin baseed badan.

Espoo waxay ka mid tahay isku-xirka gaadiidka degmooyinka ee agagaarka Helsinki (Helsingin seudun liikenne, HSL), taas oo gaadiidka dadweynaha ka qabanqaabisa agagaarka caasimadda.

linkkiHelsingin seudun liikenne HSL:
Macluumaad iyo talooyin loogu talagalay dadka safarka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

Adeegga Hagaha wadooyinka (Reittiopas) waxaad ka raadsan kartaa wadooyinka mara agagaarka caasimadda. Adeeggu wuxuu kaala talinayaa sida aad u raaceyso gaadiidka dadaweynaha.

linkkiHelsingin seudun liikenne HSL:
Hagaha wadooyinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

Gaadiidka dadweynaha waxaa tikidkiisa ku bixin kartaa kaash ama kaarka safarka. Tareenada masaafooyinka dhow marka aad raaceyso waa in aad tikidka horumaris ahaan u soo gadataa. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kaararka safarka iyo rugaha iibinta kaararka safarka waxaad ka heleysaa bogagga HSL. Waxaad sidoo kale telefoonka ku iibsan kartaa tigidka moobaylka ama tigid hal mar ah ayaad ka iibsan kartaa mashiinka tigidhada.

linkkiHelsingin seudun liikenne:
Tikidhada iyo qiimahoodaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Socod iyo baaskiil wadid

Adeegga hagaha dariiqyada ama wadooyinka (reittiopas) ayaad ka raadin kartaa dariiqa kugu haboon oo aad u isticmaaleysid baaskiil wadida ama socodka, haddii aad dooneysid inaad Espoo dhexdeeda ku dhaq-dhaqaadid socod ama baaskiil.

linkkiHelsingin seudun liikenne HSL:
Hagaha wadooyinka socodka iyo baaskiilkaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

Kaartooyinka baaskiilka ee magaalooyinka Helsinki, Vantaa iyo Espoo waxaa lagu qaybiyaa barta adeegyada guud (yhteispalvelupiste) iyo baraha adeegyada hawlaha jimicsiga ama dhaq-dhaqaaga. Kaartooyinka baaskiiladu waa lacag la'aan.

linkkiUlkoilukartta.fi:
Kaartada bannaankaFinnish

Gaadiidka gawaarida iyo diyaaradaha

Saldhigyada tareemada in badan oo ka mid ah, waxaa suurtogal kuu ah inaad gaariga baarkin dhigato oo aad safarkaaga ku sii wadato gaadiidka dadwaynaha.

Gegida diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa waxay ku taalaa degmada Espoo deriska la ah ee Vantaa.

linkkiEspoon kaupunki:
GaadiidkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
KaartooyinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Gaadiidka

Go’aan sameynta iyo saameyn ku yeelashada

Arrimaha Espoo waxaa go’aan ka gaara golaha magaalada. Waxay ka kooban yihiin 75 xubnood, kuwaas oo kala metela kooxo-siyaasadeedyo kala duduwan. Golaha waxaa lagu soo doortaa afartii sanaba mar doorashooyinka degmada.

Dadka deggan Espoo waxay habab badan saameyn ugu yeelaan karaan go’aan sameynta iyo diyaarinta arrimaha. Waxaad war-celin u soo diri kartaa go’aan sameeyayaasha iyo madaxda adigoo u soo marsiinaya nidaamka koranta ku shaqeeya. Waxaa qeyb ka noqon kartaa hawlaha dadka deegaanka ama waxaad sameyn kartaa bandhig arrimeed. Ka fiiri bogagga Espoo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan saameyn ku yeelashada.

Espoo waxaa ka jira gudiga wada-xaajoodka arrimaha dhaqamada kala duduwan, kuwaas oo sare u qaada siyaasadda dhaqamada kala duduwan.

Espoo waxaa ka jiri ururo siyaasadeedyo badan, ururo ay leeyihiin dadka dalka u soo guuray iyo ururo kale oo aad u soo mari karto saameyn ku yeelashada go’aan sameynta.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Go’aan sameynta iyo saameyn ku yeelashada

linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaad ku saabsan go'aan sameyntaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaad ku saabsan saameyn ku yeelashadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Nidaamka jawaab celinta ee internetkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Arrimaha dhaqamada kala duduwanFinnish | Iswidish | Ingiriis

Diinta

Espoo iyo Helsinki waxaa ka hawlgala bulsho diimeedyo badan. Adeegga Uskonnot Suomessa waxaad ka raadsan kartaa macluumaad ku saabsan bulsho-diimeedyada iyo degmooyinka ay ka jiraan.

Kaniisadda efangeli-luteerigu waxay Espoo ku leedahay shan waax kaniisadeed ku hadasha luqada Finnishka iyo hal mid oo ku hadasha luqada Isiwidishka. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggag isu-tagyada kaniisadaha ee Espoo.

Kaniisadda ortodoksi ee Helsinki waxay Tapiola ku leedahay kaniisad ortodoksi ah, jabel iyo goob shaqo oo Leppävaara ku yaal. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga kaniisadda Ortodoksiga ee Helsinki.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dhaqamada iyo diimaha Finland

linkkiUskonnot.fi:
Jimciyado diimeedyadaFinnish | Ingiriis

linkkiEspoon seurakuntayhtymä:
Kaniisadaha evangeli luteerigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin ortodoksinen seurakunta:
Kaniisada OrtodoksigaFinnish | Ruush

Warar aasaasi ah

Espoo waa mid kamid ah afarta degmo ee agagaarka caasimadda. Waxay dhinaca ku heysaa Helsinki, dhanka galbeed. Espoo waxaa ku yaal shan xarun magaaleed: Leppävaara, Tapiola, Matinkylä-Olari, Espoonlahti iyo Espoon keskus. Kuwaas waxaa dheer oo ay Espoo leedahay goobo la deggan yahay oo yaryar, miyi iyo dabiicad keymeed.

Espoo waxaa deggan qiyaastii 270 000 oo qofood. Dadka deggan badankood luqadoodu waa Finnish. Kuwa ku hadla luqada Isiwidishku waa qiyaastii 8 %, luqadaha kale kuwa ku hadlana waa qiyaastii 13 %. Ballaca dhulka Espoo waa qiyaastii 528 km2, kuwaas oo 216 km2, oo kamid ah ay biyo yihiin.

linkkiEspoon kaupunki:
Wararka ku saabsan EspooFinnish | Iswidish | Ingiriis

Taariikhda

Agagaarka Espoo waxaa la deganaa qiyaastii 8000 oo sano kahor. Koonfurta Espoo waxay markaas aheyd bad. Sanadkii 1200 waxaa Espoo u soo guuray muhaajiriin badan oo dhinaca Iswidishka ka timid. Espoo waxay sanadkii 1400 noqotay dhul madaxbanaan oo ay hoos yimaadaan dhor tuulo. Espoo waxaa laga dhisay guryo waa weyn, kuwaas muhiim u ahaa horumarka Espoo. Markii ay Finland noqotay qeyb kamid ah Ruushka waxaa caasimadda laga dhigay Helsinki sanadkii 1812. Inkastoo ay Helsinki u kortay degdeg, Espoo waxay mudo dheer aheyd dhul deggan oo maamul miyi leh. U soo guurista Espoo waxay badatay sanadkii 1940kii iyo wixii ka dambeeyay. Sanadkii 1950kii Espoo waxaa deganaa 25000 oo qofood, shan sano kadibna dadka deggan waxay ahaayeen 650000. Espoo waxay magaalo noqotay sanandkii 1972.

linkkiEspoon kaupunki:
TaariikhFinnish | Iswidish

linkkiEspoon kaupunki:
MadxafyoFinnish | Iswidish | Ingiriis