Arimaha ogolaanshaha
Barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guuridda ee Helsinki ayaad ka samayn kartaa codsiga joogitaanka dalka, waxaad kaloo ka samayn kartaa is diiwaangelinta xuquuda joogitaan muwaadinka midowga yurub.
Barta adeegga ee xafiiska dal u soo guuridda Helsinki:
Käenkuja 3A
00500 Helsinki
Sidoo kale waxaad adeegga internetka ee Enter Finland ka samayn kartaa codsiyada ruqsooyinka joogitaanka oo badan iyo sidoo kale isdiiwaangelinta muwaadinka midowga yurub. Haddii aadan aqoonin isticmaalka kombuyuterka, markaas codsiga waraaq ahaan u samee una gee barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guuridda.
Waxaa habboon inaad mar walba waqti horay uga sii qabsatid barta adeegga. Waxaad waqtiga ka qabsan kartaa adeegga waqti qabsashada ee Xaafiiska dal u soo guuridda. La soco, in barta adeegga aan laga bixin karin wax la talin ah oo la xiiriira arimaha ruqsooyinka.
Warar kale ka sii aqri: U soo guurista Finland.
linkkiMaahanmuuttovirasto:
Waqti qabsashada xagga internetka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEnterfinland.fi:
Dalabka internetkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Isku-diiwaangelinta sidii qof deganne ah
Haddii aad si joogto ah ugu soo guurto Espoo si aad u deganaato waa inaad degmada isaga diwaangelisaa sidii qof degane ah. Waxaad iska diiwanagelin kartaa Xafiiska diwaangelinta Uudenmaaga, waaxda Helsinki
Xafiiska diiwaangelinta Uudenmaaga
Waaxda Helsinki
Albertinkatu 25
00180 Helsinki
Tel. 029 55 39391
Marka aad aadeyso rejistareeshinka, horay us ii qaado
-
warqad aqoonsi (tusaale ahaan baasaboor)
-
ogolaanshaha joogista iyo kaarka joogitaanka (haddii aad u baahan tahay ogolaanshaha joogitaanka Finland)
-
shahaadada diiwaangelinta ee xaq u lahaanshaha joogitaanka (oleskeluoikeuden rekisteröintitodistus) (haddii aad tahay muwaadin u dhashay Midowga Yurub)
-
shahaadada guurka
-
shahaadada dhalashada cunugaada
Ogsoonoow, in warqadaha dibadda laga keenay ay ahaadaan kuwa la sharciyeeyay. iyo kuwo ku turjuman afka finnishka,-iswidhiska ama -ingiriiska.
Waaxda diiwaangelinta (Maistraatti) waad ka dalban kartaa summada qofka (henkilötunnus).
Warar kale ka sii aqri: Isu-diiwaangelinta sidii qof degane ah, Degmada Finland ku taal.
linkkiMaistraatti:
Diiwaangelinta ajaanibtaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiMaistraatti:
Macluumaadka lagala xiriiri karo xafiiyada diiwaangelinta ama dad-dhigidaFinnish | Iswidish | Ingiriis
International House Helsinki
Haddii aad dhowaan u soo guurtay soonaha caasimadda, waxaad International House Helsinki hal booqasho uga heli kartaa talo-bixin iyo adeegyada dowladeed. Waxaad ka cadsan kartaa:
-
talo-bixin lacag la’aan ah iyo arrimo la xiriira soo guurista oo ku qoran luqado kala duduwan
-
lambarka aqoonsiga Finnishka, isu-diiwaangelinta sidii degane iyo ogeysiiska macluumaadka cinwaanka
-
kaarka canshuurta iyo lambarka canshuurta, talo-bixin ku saabsan canshuurista
-
macluumaadka macnfacyada ammaanka bulshada
-
talo-bixinta adeegyada Xafiiska Shaqada iyo billaabista shaqo-raadinta
-
talo-bixinta hawlgabka shaqada iyo macluumaadka shahaada A1
-
a talo-bixinta xiriirka shaqada
-
talo-bixin loogu talagalay ganacsatada iyo shaqaalaha
IHH Service Advisor App ee shabakadda ku habboon wuxuu kaa caawinayaa helitaanka hay’adaha dowladda ee saxda ah wuxuuna sidoo kale kaala talinayaa dokumentiyada aad u baahan tahay in aad u soo qaadato booqashada.
Adeegga waxaa qeyb ka ah Helsinki-info, Xafiiska diiwaangelinta Uusimaa, Maamulka canshuurta iyo adeegga In To Finland ee Kelada, Xafiiska shaqada ee Uusimaa, Xarunta ammaanka hawlgabka iyo Rugta Ganacisga soonaha Helsinki.
Cinwaanka
Xafiiska diiwaangelinta Uusimaa
Albertinkatu 25
00180 Helsinki
linkkiInternational House Helsinki:
Goobta adeegga IHH ee dadka u soo guuraya Finland Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Welcome GuideIngiriis