Korona Fayraska COVID-19
Cunug jirran ma aadi karo dugsi ama xannaano-maalmeed. Cunuggu waa in uu guriga joogaa xittaa marka ay calaamadaha cudurku yihiin kuwa khafiif ah. Haddii uu cunuggu jirrado, la xiriir rugtaada caafimaadka ama lambarka heeganka oo ah 116 117. Waxaad heleysaa tilmaamo ku saabsan sida aad cunugga u geynayso baaritaanka Korona.
Faahfaahinta dheeraadka ah ee Korona fayraska ka akhri: Korona Fayraska COVID-19
Haddii cunuggaada ka yar yahay 16 sano, la geliyay gooni u hayn ama karaantiil adiguna aadan sababtaas darteed shaqo u aadi karin, waxaad xaq u yeelan kartaa lacag maalmeedka cudurada faafa ee Kelada.
Faahfaahin dheeraad ah ka akhri: Dhibaatooyinka dhaqaale
Barbaarin-horaadka
Magaalada Espoo waxay xannaano-maalmeed yacni barbaarin-horaad ku qabanqaabisaa xanaano-maalmeedyada ay magaaladu leedahay iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxaa kale oo Espoo laga helaa xannaaneeyayaasha qoyska ee maalinti. Xanaano-maalmeedku waxay ku baxdaa af Finnish ama Iswiidhish.
U codso cunuggaada booska xannaano-maalmeedka ugu yaraan 4 bilood ka hor inta aysan xanaanadu billaaban. Haddii aad degdeg u hesho tusaale ahaan shaqo ama waxbarasho, booska xannaano-maalmeedka waxaad codsan kartaa wakhtigaas ka dib.
Marka aad codsaneyso xannaano-maalmeedka, waa in aad qaab elelgtaroonig ah foomka codsiga uga buuxisaa internetka. Haddii aad sameyn karin codsiga elegtaroonigga ah, foomka waxaad ka heleysaa xannaano-maalmeedyada, hagitaanka adeegga ee barbaarin-horaadka ama goobaha adeegga ee Espoo.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Barbaarin-horaadka
linkkiEspoon kaupunki:
Barbaarin-horaadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Codsashada booska xannaano-maalmeedka Finnish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Goobta daneysashadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Xannaanooyinka gaarka loo leeyahay ee ingiriisiga looga hadloFinnish
Waxbarasho-horaadka
Waxbarasho-horaadka waxaa Espoo looga qabanqaabiyaa xannaano-maalmeedyada ama dugsiga. Waxbarasho-horaadka waxaa lagu bixiyaa af Finnish iyo Iswiidhish.
Waxbarasho-horaadka waxaa lagu codsadaa bogagga internetka ee magaalada Espoo. Waxbarasho-horaadku waxay billaabataa Agoosto. Sida caadiga ah xilliga codsigu waa Janaayo.
Haddii aad dooneyso in aad weydiiso su’aalo ku saabsan xannaano-maalmeedyada ama waxbarasho-horaadka, hagitaanka adeegga barbaarin-horaadka ayaad la xiriiri kartaa
Tel. 09 816 31000
Emayl: varhaiskasvatuksen.palveluohjaus(at)espoo.fi
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Waxbarasho-horaad
linkkiEspoon kaupunki:
Waxbarasho-horaadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Codsashada waxbarasho-horaadkaFinnish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Hagitaanka adeegga barbaarin-horaadkaFinnish | Ingiriis
Waxbarashada aasaasiga ah
Espoo waxaa ku yaal dugsiyada hoose-dhexe oo ku baxa af Finnish iyo Iswiidhish. Waxaa kale oo waxbarashadaas lagu heli karaa afka Ingiriiska.
Sida caadiga ah dugsigu wuxuu billowdaa sannadka uu cunuggu buuxiyo todoba sano. Dugsiga waa in si horumaris ah la isaga sii diiwaangeliyaa. Inta badan xilliga is-diiwaangelintu waa bisha Janaano. Bogagga shabakadda magaalada ayaa ka heleysaa macluumaayda xiriirka dugsiyada iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan is-diiwaangelinta.
Haddii aad qabto su’aal ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah, la xiriir hawlaha waxbarashada luqada Finnishka ee Espoo.
Tel. 040 507 0817 iyo 040 639 4740
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Waxbarashada aasaasiga ah
linkkiEspoon kaupunki:
Waxbarashada aasaasiga ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Iska diiwaangelinta iskuulkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Iskuulka caalamiga ah ee EspooFinnish | Ingiriis
linkkiHelsinginSeutu.fi:
Iskuulada caalamiga ah ee ku yaalla caasimada iyo aga gaarkeedaFinnish
linkkiExpatFinland.fi:
Iskuulada caalamiga ah ee ku yaalla caasimada iyo aga gaarkeedaIngiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Waxqabadka gelinka dambeFinnish | Ingiriis
Waxbarashada afka hooyo ee dadka dalka u soo guuray
Carruurta dalka u soo guurtay iyo carruurta ka soo jeedda qoysaska labo luqadlaha ah waxay heli karaa waxbarashada afkooda hooyo, haddii kooxda ay isku luqada yihiin ay iska soo diiwaangeliyaan arday ku filan. Waxbarashadu waa labo saac todobaadki waxaana lagu qaadan karaa dugsi kale oo aan aheyn dugsiga ardayga. Waxbarashada afka hooyo waxaa sannad kasta la iska diiwaangeliyaa bisha Maarso.
Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda magaalada Espoo
linkkiEspoon kaupunki:
Waxbarashada diyaarinta ah ee iskuul-horaadleyda(pdf, 500 kb)Finnish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Waxbarashada diyaarinta ah ee iskuul-horaadleydaFinnish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Waxbarashada afka hooyoFinnish | Ingiriis
Waxbarasho xirfadeed
Omnia ayaa Espoo ka qabanqaabiya waxbarasho xirfadeedka (ammatillinen koulutus). Omnia waxaa lagu barankaraa xirafado badan oo kala duduwan. Omnia waxaa laga qabanqaabiyaa iskuulka waxbarashada diyaarinta xirfadaha ee loogu talagalay dadka dalka u soo guurey. Waxbarashada diyaarinta waxaa loogu talagalay dhalinyarada iyo dadka waaweyn ee xiiseynaya in ay helaan xirfado waxbarasho, islamarkaana doonaya in ay kor u qaadaan xirfadooda luqadda finishka.
Reer Espoo waxay ka codsan sidoo kale Helsinki ama Vantaa machadyo xirfadeed.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Waxbarasho xirfadeed
linkkiOmnia Koulutus:
Waxbarasho xirfadeedFinnish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Waxbarasho xirfadeedka iyo dugsiyada tacliinta sare Finnish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
Goobaha waxbarasho xirfadeedkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Waxbarasho xirfadeedFinnish | Iswidish
Dugsi sare
Espoo waxaa ku yaal 11 Dugsi sare (lukio) oo lagu barto luqada Finnishka iyo 1 dugsi sare oo lagu barto luqada Iswidishka. Laba kamid ah dugsiyada sare e Espoo waa iskuulo lagu barto luqadda ingiriisiga ee khadka IB.
Da’yarta Espoo ku nool waxay sidoo kale codsan karaan si ay wax uga bartaan dugsiyada sare ee ku yaal magaalooyinka kale.
Espoo waxaa ku yaal dugsiga sare ee dadka waaweyn (aikuislukio), kaas oo ay dadka waaweyn ku baran karaan dugsiga sare iyo imtixaanka ardayga sare. Dugsiga sare waxaa sidoo kale sare loogu qaadi karaa dhibcaha shahaadada dhammaadka ama waxaa lagu baran karaa maadooyin kalikali ah. Intaas waxaa dheer in dhalinyarada dadka dalka u soo guuray ay ku baran karaan luqada Finnishka, sidoo kale waxay ku sameyn karaan maadooyinka waxbarashada aasaasiga ah.
Dugsga sare ee Leppävaara waxaa dadka dalka u soo guurey iyo kuwa ku hadla luqadaha qalaadba loogu diyaariyaa waxbarashada diyaarinta ee dugsiga sare. Waxbarashadaas waxaa loogu talagaley dhalinyarada dooneysa in ay dhigtaan dugsiga sare, laakiin xirfadooda luqad ahaaneed aanay ahayn mid ku filan waxbarashada dugsiga sare.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dugsiga sare
linkkiEspoon kaupunki:
Dugsiyada sareFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Dugsiga sare ee dadka waaweynFinnish
linkkiEspoon kaupunki:
Koorsooyinka u diyaariya dadka dalsoogaleetika ah dugsiyada sareFinnish | Ingiriis
linkkiEspoon aikuislukio Omnia:
Dhigista waxbarashada dugsiga dhexe ee ku socda dadka dalsoogaleetiga ahFinnish
linkkiLeppävaaran lukio:
Waxbarashda diyaarinta ah ee dugsiga sareFinnish
Kaalmeyn iyo hagitaan dhalinyarada
Ohjaamo
Haddaad ka yar tahay 30-jir waxaad talo iyo hagitaanba ka heleysaa adeega-Ohjaamo Shaqaalaha Ohjaamo ayaa ku caawinaya, haddii aadan helin meel waxbarasho ama – shaqo. Waad weydiin kartaa arrimo kale, tusaale hoy ama arrimoha lacagta.
Macluumaadyada xiriirka:
Kamreerintie 3 C
02770 Espoo
Tel. 040 126 7513
Cinwaanka emaylka: ohjaamotalo(at)espoo.fi
linkkiEspoon kaupunki:
Ohjaamo (xafiiska hagista dhalinyarada)Finnish | Iswidish | Ingiriis
Waxbarashada sare
Espoo waxaa ku yaal saddex iskuul waxbarasheed sare:
-
Jaamacadda Aalto
-
Iskuul xirfadeedka sare Laurea
-
Iskuul xirfadeedka sare ee Metropolia.
Iskuulaadka tacliinta sare waxaa lagu baran karaa shahaadada tacliinta sare. Macluumaad dheeraad ah waxay ku jiraan bogagga shabakadda ee Jaamacadda Aalto, Laurea iyo Metropolia.
Sidoo kale waxaa Helsinki ku yaal jaamacado iyo iskuulaad tacliineed sare oo aad ka baran karto majallado badan. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga magaalada Helsinki.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Iskuul xirfadeedka sare
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Jaamacadaha
linkkiAalto-yliopisto:
Jaamacadda majaladda farsamada, farshaxanka iyo cilmiga ganacsigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiLaurea:
Iskuul xirfadeedka tacliinta sareFinnish | Ingiriis
linkkiMetropolia:
Iskuul xirfadeedka tacliinta sareFinnish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunki:
JaamacadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Fursadaha kale ee waxbarasho
Machadka dadka shaqeeya ee Espoo (Espoon työväenopisto) waxaad ku baran kartaa tusaale ahaan luqadaha, shaqo gacmeedka iyo cunto karinta, ama waxaad kaga qeybgeli kartaa jimicsi la hagayo. Koorasyadu waa lacag. Koorsyada waxaa la qabanqaabiyaa maalinta iyo habeenka. Machadka dadka shaqeeya waxaa lagu baran karaa wax kasta.
Iskuulka farshaxan-sawireedka Espoo (Espoon kuvataidekoulu) carruurta iyo dhalinyaradu waxay ku baran karaa farshaxan-sawireed. Waxbarashadu waa lacag.
Machadka muusikada ee Espoo (Espoon musiikkiopisto) carruurta iyo dadka waaweyn waxay ku baran karaan muusikada.
Warar dheeraad ah ka sii aqri Waxbarashada hiwaayadda ah
linkkiOmnia:
Machadka waxbarashada dadka waaweyn ee EspooFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kuvataidekoulu:
Sawir-farshaxaneedka carruurta iyo dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon musiikkiopisto:
Barashada muusikada ee carruurta iyo dhalinyaradaFinnish | Ingiriis