Nolosha Finland

Vapaa-aika Espoossa

Waqtiyada firaaqada iyo Espoo

Espoo waxaa ka jira fursado hiwaayadeed badan.

Guryaha deegaanka ee Kivenkolo iyo Kylämaja waxaa isticmaali kara dadka oo dhan. Guryaha deegaanka dadka agagaarahooda deggani waa isugu imaan karaan islamarkaasna joogi karaan iyagoo ku helaya hagis iyo talooyin.

Guriga deegaanka ee Kivenkolo
Merisaapas 1 A
02320 Espoo

linkkiEspoon kaupunki:
Kivenkolo Guriga deegaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Guriga deegaanka ee Kylämaja
Matinkatu 7
02230 Espoo

linkkiEspoon kaupunki:
Guriga deegaanka KylämajaFinnish

Machadka dadka shaqeeya ee Espoo (Espoon työväenopisto) waxaa lagu hiwaayadeyn karaa tusaale ahaan farshaxanka, shaqo gacmeedka, cunto karinta, qoob ka ciyaarka iyo jimicsiga. Meeshaas sidoo kale waxaa lagu baran karaa luqada Finnishka iyo luqado kale.

linkkiEspoon kaupunki:
Machadka dadka shaqeeyaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Espoo waxaa ku yaal qeybo waxbarasheed badan oo dhiga tacliinta aasaasiga ah ee farshaxanka, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay dhalinyarada iyo carruurta. Majaladaha kala duduwan ee farshxanku waa muusikada, sawir-farshaxaneedka, qoob ka ciyaarka, tiyaatarka iyo sirkuska.

linkkiEspoon kaupunki:
Barashada farshaxanlaFinnish | Ingiriis

Guriga farshaxanka ee Pikku-Aurora waxay carruurta u qabanqaabisaa dhacdooyin dhaqameedyo.

linkkiEspoon kaupunki:
Dhacdooyinka dhaqamada carruurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Waqtiyada firaaqada.

Dhacdooyinka

linkkiVisit Espoo:
DhacdooyinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Shiino

linkkiEspoon kaupunki:
DhacdooyinkaFinnish

Makatabadaha

Espoo waxaa ku yaal 14 maktabadood. Maktabadda waxaad ka amaanan kartaa jaraa’idyo, muusik, filimaan, ciyaaro iyo waxyaabo badan oo kale. Maktabadaha waxaa yaal buugaag iyo agab kale oo ku qoran luqado badan. Maktabadda waxaa kale oo aad ku isticmaali kartaa kambuyuutarada. Maktabado badan waxaa lagu qabanqaabiyaa bandhigyo iyo dhacdoodyin.

linkkiEspoon kaupunki:
MaktabadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Maktabada luuqadaha badan

Maktabada luuqadaha badan waxay ku taalaa Helsinki Pasila. Halkaas waxaa yaalla buugaag, muusik, jaraa'idyo iyo buugaag codeed ku qoran luuqado badan oo kala gedisan. Waxaad tagi kartaa Pasila ama waxaad dalban kartaa in buugaagta ama waxa kale ee aad dooneysid laguugu soo wareejiyo maktabada kuu dhaw.

linkkiHelsingin kaupunginkirjasto:
Maktabada luuqadaha badanFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelMet:
Adeegga wadaaga ah ee maktabadaha agagaarka caasimaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Soomaali | Bershan | Carabi

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Maktabadaha

Jimicsiga

Espoo waxaa ku yaal shan hool oo lagu dabaasho, hoola isboortiyeed dhowr ah, garoono isboorti iyo goobo jimicsiyeedyo kale oo loogu talagalay maaladaha isboorti ee kala duduwan. Xilliga xagaaga waxaad ku ordi kartaa tubta jimicsiga halka xilliga barafkana aad loox-barafeedka kula ordi karto.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Jimicsiga

linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaad ku saabsan adeegyada jimicsigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Ururada isboortigaFinnish | Iswidish

Ku dhaqdhaqaaqidda duurka

Espoo waxaa ku yaal goobo badan oo loo socod tago. Tusaale ahaan jardiinada qaranka ee Nuuksio waxay qeyb ahaan ku taal soonaha Espoo.

linkkiEspoon kaupunki:
Meela dhirta iyo duurka loogu daawasho tago ee EspooFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiSuomen luontokeskus Haltia:
boga shabagadaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Shiino

linkkiSuomen Kotikaupunkipolut:
Diqdiqooyinka magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Guriga dhirta iyo duurka ee Villa Elfvik waxa lagu qabanqaabiyaa dalxiisyo, dhacdooyin iyo bandhigyo. Gurigaas oo dadka oo dhan u bannaan waxad ka helaysaa nawaaxiga ilaalinta dhirta ee Laajalahti dhinaciisa.

linkkiVilla Elfvik:
Guriga dhirta iyo duurkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Espoo waxay leedahay tubab jimicsiyeedyo iyo wadooyin loo socod tago oo badan magaalada meel badan uga yaal. Xilliga jiilaalka tubabab jimicsiyeedyo badan waa meelo lagu hiihteeyo. Qeybo kamid ah wadooyinku nal ayeey leeyihiin.

linkkiEspoon kaupunki:
Bannaan ku socoshadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Agagaarada dhaqdhaqaaqa dibaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Xeebaha badda iyo harooyinka waxay leeyihiin xeebo lagu dabbaasho.

Dhammaan reer Espoo waxay si xornimo leh ugu kalluumeysan karaan kalluumeysiga barafka iyo kan maqaalinta. Ka fiiri macluumaad dheeraad ah bogagga magaalada Espoo.

linkkiEspoon kaupunki:
Kalluumeysiga iyo ugaarsigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Ku dhaqdhaqaaqida duurka

Tiyaatar iyo shaneemo

Espoo waxaa ku yaal tiyaataro xirafadeed iyo hiwaayado.

Espoo waxaa ku yaalo saddex shaneemo oo filimaanta lagu daawado. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan filimada waxaad ka heleysaa bogagga shaneemada. Taas waxaa dheer in magaalada Espoo ay qabanqaabiso bandhigyo filimeed.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Tiyaatar iyo shaneemo.

linkkiFinnkino:
FilimadaFinnish | Ingiriis

linkkiKino Tapiola:
FilimadaFinnish

linkkiKannuKino:
Filimada Finnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Tiyaatarada EspooFinnish | Iswidish | Ingiriis

Madxafyada

Espoo waxaa ku yaal dhowr madxaf. Madxafka magaaladu wuxuu soo bandhiga taariikhda Espoo. Madxafka farshaxanka casriga ah EMMA waa mid kamid ah madxafyada ugu waa weyn Finland.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Madxafyada

linkkiEspoon kaupunki:
MadxafyoFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Madxafka magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Madxafka farshaxanka casriga ah EMMAFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

Hiwaayadaha dhalinyarada iyo carruurta

Espoo waxaa ku yaal qeybo waxbarasheed badan oo dhiga tacliinta aasaasiga ah ee farshaxanka, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay dhalinyarada iyo carruurta. Majaladaha kala duduwan ee farshxanku waa muusikada, sawir-farshaxaneedka, qoob ka ciyaarka, tiyaatarka iyo sirkuska.

Espoo waxaa ku yaal 17 guri dhalinyaro, kuwaas oo ay joogaan hagayaal la tababaray oo dusha ka ilaalinaya. Guryaha dhalinyaradu waa u furan yihiin dhammaan dhalinyarada u dhexeysa 12- 17 sano. Guryaha dhalinyarada, dhalinyaradu waxay joogi karaan waqtiyada firaaqada. Waxaa ku shaqeeya naadiyayaal hiwaayadeed, sidoo kale waxaa laga qabanqaabiyaan dhacdooyin iyo koorasyo.

Ururada iyo iyo jimcsiyadaha isboortigu waxay dhalinyarada u qabanqaabiyaan waxqabadyo badan.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Hiwaayadaha carruurta iyo dhalinyarada

linkkiEspoon kaupunki:
Waxqabadyada dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Guryaha dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
la-talinta dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Ururada isboortigaFinnish | Iswidish

linkkiHelsingin kaupunki:
Hiwaayad raadinFinnish

Ururada

Espoo waxaa ka jira ururo badan oo kala duduwan, tusaale ahaan ururo dhameedyo, qabanqaabiyaal isboorti.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Ururada

linkkiEspoon kaupunki:
Ururada isboortigaFinnish | Iswidish

linkkiEspoolaiset.fi:
Waxqabadka ururkaFinnish

linkkiEspoon kaupunki:
Ururada dada waaweynFinnish | Iswidish