Nolosha Finland

Työ ja yrittäjyys Espoossa

Shaqada iyo ganacsiga Espoo

Halkee laga heli karaa?

Adeegyada xafiiska shaqada iyo xoogsashada

Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Uudenmaa ayaa kaa caawinaya codisiga shaqada. Xafiiska Espoo wuxuu ku yaalaa Leppävaara.

Upseerinkatu 3B
02600 Espoo

Tel: 0295 040 001

Xafiiska shaqada iyo xoogsashadu wuxuu adeegaydiisa ku bixiyaa xagga bogga shabakada interneka ee Qabsashada arimahaaga (Oma asiointi). Si aad u gasho boggaan waxaad u baahan tahay inaad haysato lambarada sirta ah ee shabakada internetka looga galo bangiga.

Dadka u dhashay wadamada midowga urub, Norway, Island, Liechtenstein iyo Swizerland waxay ogeysiiska shaqo raadinta ka sameyn karaan bogga internetka ee xafiiska shaqada iyo xoogsashada oo magac baxay Qabsashada arimahaaga. Wadamada kale ee intaasi kasoo hadhay waa inay xafiiska shaqada iyo xoogsashada iska soo diwaangeliyaan oo ay u soo booqdaan xafiiska si shakhsi ahaan ah. Horay u soo qaado waraaqaha aqoonsiga iyo ruqsada deganaanshada.

Macluumaadka la xiriira adeegyada xafiiska shaqada iyo xoogsashadu waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Haddii aad shaqo la'aan noqotid. Macluumaadka la xiriira shaqo raadinta waxaad ka heli kartaa boggga InfoFinland Halkee laga heli karaa shaqo?

linkkiTE-palvelut:
Sameynta ogeysiiska shaqo raadinta shabakada bankiga la'aanteedFinnish | Iswidish

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Boosaska shaqo ee bannaanFinnish | Iswidish

linkkiTyö- ja elinkeinohallinto:
Isku-xiryada bogagga boosaska shaqadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Shaqooyinka ka banaan magaalada Espoo waxaa ka heleysaa bogga internetka magaalada.

linkkiEspoon kaupunki:
Boosaska shaqooyinka magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Seure (Seure) waa shirkad xagga adeegga kireynta shaqaalaha qabata, oo bixisa shaqooyinka tuur tuurashada ah ee magaalooyinka Helsinki, Vantaa, Espoo iyo Kauniainen. Shaqooyinka ay bixiso Seure tusaale ahaan waa shaqada iskuulada, xanaanada carruurta iyo isbitaalada.

linkkiSeure:
Boosaska shaqooyinka degmooyinkaFinnish | Iswidish

Cawinaad xagga codsiga shaqada

linkkiMonika-Naiset liitto:
Xarunta laqabsashada MonikaFinnish

linkkiLuckan integration:
Talo bixin la xiriirta shaqo dalbashadaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Isbanish

linkkiVäestöliitto:
Tababar shakhsiyadeed /ka tala bixin ku saabsan xirfada shaqadaFinnish | Ingiriis

Dhalinyarada 30-ka sano ka yar

linkkiEspoon kaupunki:
Ohjaamo (xafiiska hagista dhalinyarada)Finnish | Iswidish | Ingiriis

Kaalmada shaqo laawaha

Macluumaadka la xiriira codsiga kaalmada shaqo laawaha waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Gargaarka shaqo la’aanta.

Samaynta Shirkad ganacsi

Haddii aad dooneysid inaad shirkad ganacsi samaysato, waxaa cawinaad ka heli kartaa YritysEspoo. Waxay kaa caawinayaan horumarinta fikrada ay ku salaysan tahay shirkada ganacsigaagu ama qorshaynta waxqabadka ganacsiga. Adeegyaduna waa bilaash.

linkkiYritysEspoo:
La-talinta ganacsigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

NewCo Yritys Helsinki waxay bixisaa la talin shakhsiyan ah oo ku saabsan samaynta shirkad ganacsi, waxay qabataa munaasabado ay ku bixinayso macluumaad ganacsi iyo waxbarid ganacsade oo ku baxaysa luuqado kala gedisan.

linkkiNewCo Helsinki:
Adeegyada loogu talagalay ganacsatada dadka dalka u soo guurayFinnish | Ingiriis

linkkiNewCo Helsinki:
Hagaha aasaasida shirkadaha cusubFinnish | Ingiriis | Shiino

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Adeegyada loogu talagalay ganacsadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Ganacsatada reer Espoo waxaa sidoo kale caawiya ururka ganacsatada Espoo (Espoon Yrittäjät ry). Waa urur ay shirkadu wada leeyihiin, kaas oo xubnihiisa siiya tusaale ahaan waxbarasho xagga ganacsiga ah, wada shaqayn iyo la talin.

linkkiEspoon yrittäjät:
Ururka ilaaliyaha danaha shirkadleydaFinnish

Wixii dheeraad ah ka akhriso: Samaynta shirkad ganacsi

Canshuurid

Xafiiska canshuuraha ee magaala madaxda iyo agagarkeedu wuxuu ku yalaa Helsinki Kluuvi cinwaanka ah Aleksanterinkatu 9.

linkkiVerohallinto:
Macluumaadyada xiriirka ee xafiisyada canshuurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Waxaad sidoo kale booqan kartaa barta la talinta ee In To Finland oo ku taala Helsinki Kampi. Barta la talinta ee ka dhexaysa Kelada iyo xafiiska canshuurahu waxay caawisaa dadka wadanka u soo guurey, kuwaas qaba su'aalo la xiriira xagga canshuuraha ama lacagta badbaada sooshalka. Halkaas waxaad ka soo qaadan kartaa kaarka canshuurta iyo lambarka canshuuraha oo qasabka ku ah shaqada dhismaha. Intaas waxaa dheer shaqaalaha ajnabiga ah oo sida ku meel gaarka ah shaqada ugu imaanaya Finland, waxay si ku meel gaar ah u heli karaan lambarada aqoonsiga ee Finnishka ayaga oo aan si gooni ah u aadin xafiiska dad-dhigida.

Uudenmaan maistraatti
Albertinkatu 25
00180 Helsinki

Macluumaadka la xiriira habka canshuurida Finland waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Canshuurid.