Guurka
Kahor guurka waa inaad codsataa baaritaanka waxyaabaha guurka hor-istaaga (avioliiton esteiden tutkiminen). Baritaanka xannibka waxaa lagu sameeyaa Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka (Digi- ja väestötietovirasto). Codsiga baaritaanka waxaad ka sameyn kartaa goob adeegeed kasta. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka. Nikaaxa ama guurka shacabku wuxuu sidoo kale ka dhacaa Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka.
Digi- ja väestötietovirasto
Lintulahdenkuja 2
00530 Helsinki
Tel. xarunta 029 55 36244
vihkiminen(at)dvv.fi
Warar dheeraad ah ka sii aqri Guurka.
linkkiDigi- ja väestötietovirasto:
Isku mehrinFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiDigi- ja väestötietovirasto:
Codsiga baaritaan caqabaha guurkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Furiinka
Naagta ama ninku waxay codsiga furiinka geysan karaan xafiiska maxkamada Galbeedka Uusimaa. Furiinka waxaa sidoo kale codsan kara qof kali ah ogolaanshiyo la’aanta lamaanaha. Waxaad sidoo kale codsigaaga ugu diri kartaa xafiiska maxkamadda degmada qaab boosto, fakis ama emayl ah.
Maxkamadda degmada Espoo (Espoon käräjäoikeus)
Vitikka 1 B 2
02630 Espoo
Tel. 029 564 4000
Emayl: lansi-uusimaa.ko(at)oikeus.fi
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Furiinka.
linkkiLänsi-Uudenmaan käräjäoikeus:
Macluumaadka xiriirkaFinnish | Iswidish
Caruurta iyo furiinka
Haddii adiga iyo lammaanahaada aad carruur leedihiin islamarkaasna aad qorsheynaysaan furriin, ballan ka qabsada dano-ilaaliyaha carruurta. Dano-ilaaliyaha carruurtu wuxuu xoojin karaa heshiis ku saabsan deegaanka carruurta, daryeelka, xuquuqda la kulanka iyo caawimaadda masruufka.
Wakhti ballansashada dano-ilaaliyaha carruurta
Isniin- Jimco saacadda 10-11
tel. 09 816 27711
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Carruurta iyo furiinka.
linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaadka xiriirka ilaaliyayaasha danaha carruurtaFinnish | Iswidish
linkkiEspoon kaupunki:
Furiinka qoyska carruurta lehFinnish | Iswidish
Dhalashada cunugga
Macluumaadka dhalashada cunugga waxaa isbitaalka looga soo dirayaa nidaamka diiwaanka dadka ee Finland. Waa in aad magacyada cunugga, afkiisa hooyo iyo macluumaadka kale ee loo baahan yahay ku soo ogeysiisaa Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka foom gaar ah oo guriga laguugu soo diraayo.
Diiwaangelinta dhalashada cunugga, caddeynta aabanimada iyo mas’uuliyadda warar dheeraad ah oo ku saabsan waxaad ka aqrin kartaa bogga InfoFinlandi: Finland markii uu ilmuhu dhaso.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Caafimaadka Espoo
linkkiHUS Helsingin yliopistollinen sairaala:
DhalmadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Daryeelka cunugga
Warbixin ku saabsan daryeelka caruurta ee degmada Espoo waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee InfoFinland Waxbarashada Espoo.
Daryeelka caruurta ee ku meelgaarka ah
Caruurta waxaad geyn kartaa daryeel ku meelgaar ah ee beerta ama jardiinada ciyaarta oo ay joogaan daryeelayaal. Waxaana loola jeedaa waqti gaaban oo caruurta yar-yar ah (2-3 saacadood markiiba) oo daryeel, taasoo ka dhici doonta bannaanka beerta ama jardiinada ciyaarta. Faahfaahin dheeraad ah oo dhinaca telefoonka ah waxaad ka heleysaaa daryeelayaasha goobta jooga. Lambarada telefoonada waxaad ke heleysaa bogga internetka ee degmada Espoo.
linkkiEspoon kaupunki:
Daryeelayaal ama xannaaneeyayaal jooga beerta ama jardiinada ay caruurtu ku ciyaaraanFinnish | Ingiriis
Haddii aad gurigaaga uga baahan tahay daryeelka caruurta ee ku meelgaarka ah, waxaad kala xiriiri kartaa ururka Mannerheim ee badbaadada caruurta iyo ururka Väestoliitto.
linkkiVäestöliitto:
Daryeelka caruurta iyo caawinta gurigaFinnish
linkkiMannerheimin lastensuojeluliitto:
Cawinaada xagga daryeelka caruurta ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Xannaano-maalmeed
Kaalmada guri ku xannaaneynta ilmaha
Haddii cunugga ugu yar qoysku uu ka yar yahay 3 sano, waalidku wuxuu heli karaa kaalmada guri ku heynta (kotihoidon tuki) marka uu cunugga ku hayo guriga. Haddii aad xaq u leedahay kaalmada guriga ku heynta Kelada ayaad ka codsan kartaa. Codsiga waxaad ka sameynsan kartaa shabakadda ama waxaad Kelada ugu diri kartaa boostada ama waxaad tegi kartaa xafiiska Kelada.
Magaalada Espoo ayaa siineysa dheeraadka ay Espoo ku darto qoyskasaska ilmaha ka yar 3 sano ku xannaaneeya guriga. Dheeraad Espoo waa la codan karaa haddii waalidku uu guriga ku hayo dhammaan carruurta qoyska ee ka yar da’da iskuulka.
linkkiEspoon kaupunki:
Guri ku xannaaneynta cunuggaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiKela:
Macluumaadka kaalmada guri ku xannaaneyntaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiKela:
Arrimo ka sameysashada shabakaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiKela:
Macluumaadyada xiriirka ee KeladaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Beeraha ama jardiinooyinka degaanka iyo naadiyo
Magaalada Espoo waxay waalidiinta carruurtooda guriga ku xannaaneeya u qabanqaabisaa waxqabadyo badan. Waxyaabaha loo fidiyo waxaa kamid ah tusaale ahaan jardiinooyinka deegaanka, xannaano-maalmeedyo furan iyo naadiyo.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Kaalmada guri ku xanaaneynta ilmaha
linkkiEspoon kaupunki:
Jardiinooyinka deegaanka iyo naadiyadaFinnish | Ingiriis
Dadka da’da ah
Dadka da’da ah waxay isticmaali karaan adeegyada rugaha caafimaadka ee caadiga ah. Intaas waxaa sii dheer oo dadka da’da ah ee Espoo loo fidiyaa adeegyo u gaar ah, tusaale ahaan adeegyada daryeelka guriga. Haddii aad dooneyso macluumaad ku saabsan adeegyada dadka da’ada ah, la xiriir rugta la-talinta dadka da’da ah (seniorineuvonta).
Tel. (09) 816 33333
nestori(at)espoo.fi
linkkiEspoon kaupunki:
La-talinta dadka waaweyn ee EspooFinnish | Iswidish | Ingiriis
Markii aad guriga ku daryeeleysid qof ehelkaaga ah
Haddii aad guriga ku daryeeleysid qof ehelkaaga ah waayeelnimo, xanuun ama naafanimo awgeed, si uu qofkaasi guriga ugu noolaado, waxaa laga yaabaa inaad xaq u leedahay kaalmada daryeelka ehelka.
linkkiEspoon kaupunki:
Kaalmada guri ku daryeelka ehelkaFinnish | Iswidish
Ka sii aqri warar dheeraad ah: Dadka da'da ah
Dhibaatooyinka qoyska dhexdiisa
Bogga internetka InfoFinlandi ee Xaaladaha dhibku jiro iyo Espoo waxaad ka heli kartaa warbixinta ku saabsan, halka aad degmada Espoo ka heli karto caawimaada la xiriirta dhibaatooyinka qoysaska, caruurta iyo dhalinyarada.
Sidoo kale dhibaatooyinka caruurta iyo dhalinyarada warbxin ku saabsan ayaad ka heli kartaa bogga internetka InfoFinlandi ee ah dhibaatooyinka caruurta iyo dhalinyarada.
Bogga internetka InfoFinlandi ee Dhibaatooyinka isqabidda iyo xiriirka lammaanaha, Waxaad ka heleysaa warbixin la xiriirta halka aad ka hei karto caawimaad la xiriirta dhibaatooyinka xiriirka lammaanaha.