Espoo waa magaalo ammaan iyo raaxo ah oo la dego. Espoo waxay leedahay shan xarun magaao, adeegyo fiican iyo isku xirka gaadiidka dadweynaha.
In ka badan kalabar dadka reer Espoo waxay deggan yihiin guryo dabaq ah. Intooda badan waxay deggan yihiin guryo ay iyagu leeyihiin.
Guri kiro ah
Magaalada Espoo iyo qolooyin badan oo kale oo ayaa waxay kireeyaan guryo ku yaal qaybo badan oo magaalada ah. Waxaa kula gudboon inaad waqti siiso raadinta guriga isla markaasna aad baartid is barbardhiga wadiiqooyin kala gedisan,
Qiimaha guryaha la kireysto ee Espoo waa kuwa aad isu bedbeddela. Qiimaha waxaa saameyn ku leh meesha uu gurigu ku yaal, cabirka iyo xaaladda guriga.
Guryaha kirada ah ee gaarka loo leeyahay
Shakhsiyaadka gaarka oo guryaha kireeya ayaa inta baddan si dhaqso ah guri looga helaa, laakiin waxaa laga yaabaa in kiradu ay ka sareyso tan guryaha kirada ah ee magaaladu leedahay.
Waxaad guri kiro ah oo gaar loo leeyahay ka raadin kartaa adigoo maraya bogga internetka ee kiro-bixiyaaasha magaalada Espoo:
linkkiOikotie.fi:
Kiro codsiga gurigaFinnish
linkkiVuokraovi.com:
Kiro codsiga gurigaFinnish | Ingiriis
Haddii aad ka yar tahay 30-sano, waxaad sidoo kale guri kiro ah ka raadin kartaa shirkada Espoon alkuasunnot Oy ama jamciyada dhalinyarada (Nuorisosäätiö).
linkkiNAL asunnot:
Guryaha la kireysto ee dhalinyaradaFinnish | Ingiriis
linkkiNuorisosäätiö:
Guryaha la kireysto ee dhalinyarada loogu talagalayFinnish | Ingiriis
Haddii aad tahay arday, Espoo waxaad ka heli kartaa guryaha kirada ee ardayda. Guryaha kirada ee ardayda waxaa bixiya mu’asasada ardayda ee agagaarka Helsinki (Helsingin seudun opiskelija-asuntosäätiö (HOAS) iyo ururka ardayda ee jaamacadda Aalto AYY.
linkkiHOAS:
Guryaha la kireysto ee ardaydaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiAalto-yliopiston ylioppilaskunta:
Guryaha la kireysto ee ardaydaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Guryaha kirada ee magaalada
Guryaha kirada ah ee magaaladu inta badan waa kuwo ka qiimo jaban guryaha kale ee laga kireysto shirkadaha ama shakhsiyaadka gaarka ah. Si kastaba ha ahaatee guryaha magaalada waxaa codsada dad aad u badan, waxaana hela guryahaas in yar oo ka mid ah codsadeyaashaas. Ciriiriga ugu weyn wuxuu ka jiraa xagga guryaha yar yar.
Guryaha kirada ee magaalada waxaa maamula shirkada guryaha ee Espoo (Espoon Asunnot Oy). Haddii aad dooneyso inaad guri kiro ah codsato, buuxi foomka guryaha kirada ee ku jira bogga internetka ee Espoon Asunnot Oy. Waxaa sidoo kale laguugu soo diri karaa boostada.
Helitaanka guriga waxaa saameyn ku lahaan doono baahida loo qabo guriga, hantida iyo dakhliga.
Si aad u codsato guryaha kirada ee magaalada, waa inaad haysataa sharciga daganaanshada ugu yaraan mudo hal sano ah.
Espoon Asunnot Oy
Upseerinkatu 3 B
02600 Espoo
Tel. 09 3544 5000
Codsigu wxuuu shaqaynayaa mudo 2 bilood ah. Markaas kadib waa inaad cusbooneysiisaa codsiga, haddii aad weli guri raadineysid.
Wixii macluumaad dheeraad ah ka akhriso: Guri kiro.
linkkiEspoon Asunnot Oy:
Codsashada guryaha la kireysto ee magaaladaFinnish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Guryaha la kireysto ee magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Guri iibsasho
Internetka waxaa laga helayaa ogeysiisyo badan oo guri beecin ah. Guryaha Espoo waa qaali.
Macluumaadka la xiriira guri iibsashada waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Guri si gaar ah loo leeyahay.
Guri xuquuqda daganaanshaha la leeyahay
Haddii aad raadineysid guri xuquuqda daganaanshaha la leeyahay, waxaad u baahanaysaa lambarka nidaamka kala horeynta. Kaasna waxaad ka codsanaysaa magaalooyinka Espoo iyo Helsinki.
linkkiEspoon kaupunki:
Guryaha Xaq u yeelashada deganaanshahaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Dagaan ku meel-gaar ah
Espoo waxaa ku yaala hoteelo kala duwan, kuwaas oo si ku meel-gaar ah loo daganaan karo.
Wixii macluumaad dheeraad ah ka akhriso: Dagaan ku meel-gaar ah.
linkkiVisitEspoo.fi:
HoteeladaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush
Guriyeynta caawinta iyo adeegga
Dadka qaarkood, tusaale ahaan dadka da'da ah iyo curyaamiinta waxaa ku adag inay arimaha nolol maalmeedkooda qabsadaan cawinaad la'aan. Dadka dagaankooda rasmiga ahi uu yahay magaalada Espoo waxay magaalada Espoo ka heli karaan kaalmada adeegyada caawinta guriga, sida adeegyada cuntada iyo adeegga qaaditaanka gaadiidka. Adeegyadaan waxay dadka ka caawinayaan inay si wanaagsan gurigooda ugu noolaadaan.
Dadka da'da ah iyo curyaamiinta aan awoodin inay si xor ah ugu noolaadaan gurigooda, waxay daganaan karaan aqalada adeegga ama xarumaha adeegga.
Wixii macluumaad dheeraad ah ka akhriso: Guriyeynta caawinta iyo adeegga.
Haddii aad doonaysid inaad wax ka weydiiso arimaha la xiriira adeegyada caawinta curyaamiinta, la xiriir adeegyada curyaamiinta ee Espoo.
Adeegyada curyaamiinta ee Espoo (Espoon vammaispalvelu)
Kamreerintie 2 A, Espoon keskus
La talin xagga teleefanka: (09) 816 45285
linkkiEspoon kaupunki:
Adeegyada kaalmada naafadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Haddii aad dooneysid inaad wax ka weydiiso arimaha la xiriira adeegyada caawinta dadka da'da ah, la xiriir la talinta dadka da'da ah ee Espoo.
Tel. 09 816 33 333
E-mail: nestori(at)espoo.fi
linkkiEspoon kaupunki:
La-talinta dadka waaweyn ee EspooFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaad kus aabsana deegyada daryeelka gurigaFinnish | Iswidish
linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaad ku saabsan degista guriga adeeggaFinnish | Iswidish
Qashinka iyo dib u isticmaalidda
Bogga InfoFinland Qashinka iyo dib u isticmaalidda ayaad ka heleysaa macluumaad la xiriira kala soocida qashinka.
linkkiHelsingin seudun ympäristöpalvelut:
Qashinka iyo dib u isticmaaliddaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Guri la'aanta
Talobixinta deegaanka ee magaalada Espoo waxaad caawimaad u weydiisan kartaa dhibaatooyinka deegaanka la xiriira oo dhan.
linkkiEspoon kaupunki:
Talobixinta deegaankaFinnish | Ingiriis
Xaaladaha deg degga ah waxaad la xiriiri kartaa heeganka sooshalka iyo xasaradaha ee magaalada Espoo.
Heeganka sooshalka iyo xasaradaha (Sosiaali- ja kriisipäivystys)
Jorvin sairaala
Turuntie 150
Tel. (09) 816 42439
linkkiEspoon kaupunki:
Heeganka sooshaalka iyo xasaraddaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri Dhibaatooyinka degitaanka iyo Guri la’aanta.