Fayruska Korona COVID-19
Wararka fayruska Korona ka akhri bogga Fayruska Korona COVID-19.
linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaad ku saabsan fayruska KoronaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Turki | Shiino | Bershan | Carabi | Kurdish | Albaniyan | Tayland | Fietnaam | Hindi
linkkiEspoon kaupunki:
Isticmaal af-shareerkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Tilmaanbixinnada karaantiilka gurigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Tilmaanbixinnada karaantiilka guriga(pdf, 200 kb)Ruush | Estoniyan | Soomaali | Turki | Shiino | Bershan | Carabi | Kurdish | Albaniyan | Tayland | Fietnaam | Hindi
Adeegyada caafimaadka ee Espoo
Wac lambarka gargaarga deg degga ah 112, haddii xaaladu ay tahay mid degdeg ah. Wac lambarka gargaarga deg degga ah tusaale ahaan markii, uu dhaco shil khatar ah ama uu xanuun lama filaan ahi ku soo boodo qof dadka ka mid ah. Ha wicin lambarka gargaarka deg degga ah haddii aysan xaaladu ahayn mid khatar ah.
Haddii aad guri ka degan tahay, waxaad isticmaali kartaa adeegyada caafimaadka ee shacabka. Adeegyada caafimaadka ee shacabka waxaa fidiya rugaha caafimaadka, gobaha daryeelka ilkaha, rugaha la-talinta iyo cusbitaalada.
Haddii aadan xaq u leheen isticmaalka adeegyada caafimaadka shacabka, waxaad gargaar caafimaad ka raadsan kartaa tusaale ahaan rugaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay. Dhammaan qarashka ku baxaya rugaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay waa inaad adigu iska bixisaa.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Caafimaadka.
Adeegyada caafimaadka ee shacabka waxaa fidiya rugaha caafimaadka (terveysasema). Rugaha caafimaadku waxay furan yihiin maalmaha shaqada saacadda 8- 16. Sida caadiga ah waxaa rugaha caafimaadka jooga dhaqtar, kalkaaliyayaal caafimaad iyo qaabilaadyo daryeel caafimaadeed.
Rugta caafimaadka waxaad ballan uga qabsan kartaa telefoonka. Bogagga magaalada Espoo waxaa ku jira macluumaadka xiriirka rugaha caafimaadka iyo nambarada telefoonada. Marka aad wacdo rugta caafimaadka, telefoonkaada horay loogama jawaabo. Laakiin nambarkaadu wuxuu ku keydsamaa awtomaatiiga, wax yar kadibna waa laguugu soo celinayaa ama dib ayaa laguu soo wacayaa.
Imow qaabilaada. Haddii aadan imaan karin qaabilaada, xusuusnow inaad baajisid ama kansashid waqtigii laguu qabtay ugu dambeyn maalin ka hor ugu dambeyn saacaddu markay tahay 14.00.
Haddii aad degdeg ugu baahdo gargaar caafimaad, waad imaan kartaa rugta caafimaad ballan la’aan.
linkkiEspoon kaupunki:
Goobaha caafimaadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Kharashka xarunta caafimaaadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Adeegyada caafimaadka ee gaarka ah
Rugta caafimaadka ee gaarka ah waxaa aadi kara qof kasta. Rugta caafimaadka ee gaarka ahi waxay sidoo kale ku haaboon qofka aan xaq u leeyahay adeegyada caafimaadka shacabka ee Finland. Dhammaan qarashka ku baxaya rugta caafimaadka gaarka ah macaamilku waa inuu iskiis isaga bixiyaa.
Espoo waxaa ku yaal rugo caafimaadyo badan oo gaar loo leeyahay. Macluumaadka xiriirka dhaqaatiirta gaarka ah waxaad ka heleysaa tusaale ahaan internetka.
linkkietsilaakari.fi:
Adeegyada caafimaadka ee gaarka ahFinnish
linkkiTerveystalo:
Rug caafimaad oo bareefat ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiMehiläinen:
Rug dhakhtarka ilkaha oo bareefat ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
Dawooyinka
Macluumaad la xiriira iibsiga dawooyinka waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Dawooyinka
Daryeelka caafimaadka dadka aan dukumentigada laheyn
Helsinki waxaa ku shaqeeya Global Clinic oo dadka Finland sharci la’aanta ku joogaa ka heli karaan caawimaad iyo talo siinta dhaqtarka ama kalkaalisada caafimaadka. Macaamilka waa u lacag la’aan adeegyada Global Clinic. Global Clinic macaamiishooda ma ogeysiiso booliska ama saraakiisha kale. Si loo badbaadiyo macaamiisha meesha ay ku taal kilinikada iyo waqtiyada ay furan tahay lama shaaciyo.
Nambarka telefoonka ee Global Clinic Helsinki waa 044 977 4547. Telefoonka waxaa ka jawaabaya kalkaaliso caafimaad ama dhakhtar. Emaylku waa global.clinic.finland(at)gmail.com
linkkiGlobal Clinic:
Adeega caafimaadka sharci laawayaashaFinnish | Ingiriis | Ruush | Faraansiis | Carabi | Romaniyan | Bulgaariyan
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Adeegyada caafimaadka ee Finland
Heeganka
Habeenkii iyo maalmaha dhammaadka todobaadka rugta caafimaadku waa xiran tahay. Markaas waxaa jirooyinka degdega ah iyo shilalkaba lagu daryeelayaa heeganka (päivystys). Heegaanka dadka waaweyn waa cusbitaalka Jorvi ee Espoo.
Ka hor inta aadan imaan heeganka, wac adeegga lacag la’aanta ah ee Caawimaadda heeganka, tel. 116 117.
Heeganka cusbitaalka Jorvi
Turuntie 150
02740 Espoo
Heegaanka dadka ka yar 16 sano wuxuu ku yaal Jorvi iyo Lastenklinikka ee Helsinki.
Heeganka in ballan loo qabsado looma baahna.
linkkiEspoon kaupunki:
Xaaladaha deg degta ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Adeegyada caafimaadka ee Finland
Caafimaadka carruurta
Daryeelka caafimaadka carruurta ee u dhexeysa da’da 1- 6 sano waxaa dadka ka caawiya kalkaalisada caafimaadka ee rugta la-talinta (neuvola) iyo dhaqtarka. Waxaad weydiisan kartaa iyaga talooyinka iyo kaalmada waalidnimada iyo koriinshaha cunugga. Rugta la-talinta waxaa lagula socdaa cafimaadka cunugga iyo koriinshihiisa.
Dhinacyo kala duduwan oo ka mid ah magaalada Espoo waxaa ku yaal rugo la-talineedyo badan. Macluumaadka xiriiryada rugaha la-talinta waxay ku jiraan bogga shabakadda magaalada Espoo. Rugaha la-talinta oo dhan telefoon isku mid ah ayaad ballan uga qabsan kartaa.
Ballanta waqtiga ee rugta la-talina
Tel. 09 816 22800
Haddii cunug jirado islamarkaasna uu degdeg ugu baahan yahay daryeel caafimaad, la xiriir rugta caafimaadka (terveysasema).
Caruurta da’da iskuulka waxaa caafimaadkooda daryeela kalkaalisada ama kalkaaliyaha caafimaadka ee iskuulka.
Habeenkii iyo maalmaha dhammaadka todobaadka heeganka carruurta ka yar 16ka sano waa Jorvi iyo Lastenklinikka ee Helsinki.
Sidoo kale carruurta waad geyn kartaa xarumaha dhakhaatiirta ee gaarka loo leeyahay.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Caafimaadka carruurta
linkkiEspoon kaupunki:
Adeegyada rugta la-talinta carruurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaadyada xiriirka rugaha la-talintaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Goobaha caafimaadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaad ku saabsan daryeelka caafimaadka ciyaal iskuulkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiEspoon kaupunki:
Xaaladaha deg degta ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
Daryeelka ilkaha
Daryeelka ilkaha dadweynaha
Waad isticmaali kartaa adeegyada degmo ee dhaqtarka ilkaha haddii aad Guri degmo ku leedahay Espoo. Haddii ay tahay inaad gargaar deg-deg ah u baahan tahay, waad adeegsan kartaa adeega degmada, xitaa haddaadan aheyn reer Espoo.
Ballan ayaad nambarka wadajirka ah ee rugaha daryeelka Espoo uga qasban kartaa dhaqtarka ilkaha.
Ballanta waqtiga rugaha daryeelka ilkaha
Tel. 09 816 30300
Nambarka waxaa la wici karaa maalmaha shaqada.
Haddii aad dhaqtarka ilkaha degdeg ugu baahan tahay, la xiriir rugta caafimaadka iyo sooshaalka ee Kilo.
Rugta caafimaadka iyo sooshaalka ee Kilo
Trillakatu 5
Tel. 09 816 35900
Ballanta waqtiga ee maalmaha shaqada.
Haddii aad dhaqtarka ilkaha degdeg ugu baahan tahay habeenkii ama dhammaadka toddoobaadka, la xiriir cusbitaalka Haartman ee Helsinki ku yaal. Heeganka cusbitaalka Haartman maalmaha shaqada, saacadda 14–21 iyo Sabti-Axad saacadda 8–21. Heeganka horay u sii wac.
Tel. 09 471 71110
linkkiEspoon kaupunki:
Daryeelka caafimaadka afkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Daryeelka ikaha bareefadka ah
Espoo waxaa kale oo laga helaa dhaqaatiirta ilkaha oo gaar ah. Dhaqaatiirta ilkaha ee gaarka ah waad aadi kartaa, haddii xitaa aadan xaq u laheyn adeegyada daryeelka caafimaadka shacabka. Daryeelka ilkaha bareefadka ah wey ka qaalisan yihiin adeega daryeelka ilkaha dadweynaha loogu talogaley.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Daryeelka ilkaha
Caafimaadka dhimirka
Haddii aad u baahantahay caawimaad ama taageero la xiriirta arrimaha caafimaadka dhimirka ama maandooriyaha, la xiriir adeegyada caafimaadka dhimirka iyo maandooriyaha ee Espoo.
Ballan qabsashada maalmaha shaqada waxaa laga qabsadaa saacadda u dhexeysa 8-16 lambarka 09 816 31300.
linkkiMielenterveystalo.fi:
Macluumaad ku saabsan adeegyada caafimaadka dhimirkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Waxaad sidoo kale ballan la’aan imaan kartaa Kiliinikada caafimaadka dhimirka iyo maandooriyaha. Waxay furantahay Isniin-Jimco.
Cinwaanka: Barxadda adeegga ee Iso Omena, Suomenlahdentie 1.
Haddii aad degdeg ugu baahan tahay caawimaad xasadeed, la xiriir heeganka sooshaalka iyo xasaradda ee Espoo (Espoon sosiaali- ja kriisipäivystys).
Heeganka sooshaalka iyo xasaradda
Cusbitaalka Jorvi
Turuntie 150
Tel. 09 816 42439
Wuu furan yahay maalin kasta afar iyo labaatanka saac.
linkkiEspoon kaupunki:
Heeganka sooshaalka iyo xasaraddaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Caafimaadka dhimirka
linkkiSuomen Mielenterveysseura:
Kaalmada xasaradaha ee ajaanibtaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Carabi | Kurdish
linkkiMielenterveystalo.fi:
Macluumaad ku saabsan adeegyada caafimaadka dhimirkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Caafimaadka galmada
Rugaha la-talinta ka hortaga uurka (ehkäisyneuvola) ee goobaha caafimaadka waxaad ka heleysaa caawimaad dhinaca ka-hortaga uurka iyo qorsheynta qoyska. Dhalinyaradu waxay caafimaadka galmada kala sheekeysan karaan kalkaalisada caafimaadka ee iskuulkooda.
Haddii aad u baahan tahay baaritaanka caafimaadka dumarka, la xiriir rugta caafimaadka. Ballan waad ka qabsan kartaa sidoo kale dhaqtarka haddii aad u baahan tahay in laguu qoro warqada daawada ka hortaga uurka darteed ama haddii aad ka fekereyso inaad ilmo iska soo rido. Macluumaadka xiriirka rugaha caafimaadka ee Espoo waxay ku jiraan bogga shabakadda magaalada Espoo.
linkkiEspoon kaupunki:
Goobaha caafimaadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Cudurada ku dhaca hab-dhiska taranka ama galmada waxaa lagu daaweeyaa Kilinikada cudurada hab-dhiska taranka ee Helsinki.
linkkiHUS Helsingin yliopistollinen sairaala:
Kilinikada cudurada hab-dhiska tarankaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Caafimaadka galmada
Uurka iyo dhalmada
La xiriir rugta la-talinta (neuvola) haddii aad dareento inaad uur leedahay. Rugta la-talinta waxaa lagula socdaa hooyada, cunugga uurka ku jira iyo caafimaadka guud ee qoyska waqtiga uurka. Dhinacyo badan oo Espoo kamid ah waxaa ku yaal rugo la-talineedyo badan oo kala duduwan. Dhamaantood waxaa ballan uga qabsan kartaa nambar isku mid ah.
La-talinta iyo ballanta waqtiga ee rugaha la-talinta
Tel. 09 816 22800
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Uurka iyo dhalmada.
linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaadyada xiriirka rugaha la-talintaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Espoo waxaa ku yaal cusbitaalka Jorvi, kaaso o lagu umuli karo. Haddii aad dooneyso, waxaa kale oo aad ku dhali kartaa cusbitaalada Helsinki iyo degmada Uusimaa (HUS). Macluumaad dheeraad waxaad ka heleysaa bogagga HUS.
linkkiHUS Helsingin yliopistollinen sairaala:
DhalmadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHUS Helsingin yliopistollinen sairaala :
Heeganka cusbitaalaadka dhalmadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Dadka Naafada ah
Magaalada Espoo waxay dadka naafada ah u qabanqaabisaa adeegyo u gaar ah, tusaale ahaan waxqabad-maalmeed iyo gaadiid ku qaadis. Adeegyadan waxaa xaq u leh inay helaan dadka deegaanka ku ah degmada Espoo.
Shaqaalaha sooshaalka ee magaalada waxaad ka codsan kartaa adeegyo iyo kaalmooyin waxqabad.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeeyada naafada waxaad ka heleysaa adeegyada naafada ee Espoo.
Adeegyada naafada ee Espoo
Kamreerintie 2 A
02770 Espoo
Tel. 09 816 45285
Emayl: vammaispalvelut(at)espoo.fi
linkkiEspoon kaupunki:
Adeegyada kaalmada naafadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dadka naafada ah
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Cunugga naafada ah