Nolosha Finland

Maahanmuuttajana Espoossa

Ajanbi ku ahaanshaha Espoo

La-qabsashada iyo la-talinta dadka dalka u soo guuray

Goobta daneysashada

Goobaha daneysashada waxaad ka heleysaa macluumaadyada adeegyada magaalada. Goobaha daneysashadu waxay magaalada uga yaalaan goobo badan. Macluumaadka xiriirka rasmiga ah ee goobahaas waxay ku jiraan bogga shabakadda magaalada Espoo.

Nambarka telefoonka ee ka dhexeeya goobaha daneysashadu waa: (09) 816 57070 iyo emailka info(at)espoo.fi.

linkkiEspoon kaupunki:
Goobta daneysashadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Kivenkolo

Goobta deganaayasha Kivenkolo waxaa ku yaalla qol fadhi ah oo dadkoo dhan u furan , halkaasoo aad ka heli karto la talain iyo hagis lagu bixinayo luqado kala duwan. Kivenkolo waxaa ay ku taallaa Espoon lahti.

Kivenkolo
Merisaapas 1 A
02070 Espoon kaupunki

Puh. 050 300 6093

linkkiEspoon kaupunki:
Kivenkolo Guriga deegaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Goobta billowga ee dhallinyarada qaangaarka ah

Goobaha billowga ee Guriga hagitaanka waxaa hagitaan iyo talo aan ballan loo qabsaneyn loogu fidiyaa dhallinyarada 30 jirka kayar.

Goobta billowga ee Leppävaara
Guriga hagitaanka
Lintuvaarantie 2 A
02650 Espoo

Is Goobta billowga ee Iso Omena
Palvelutori
Suomenlahdentie 1
02230 Espoo

Lambarka adeegga ee Guriga hagitaanka: 043 824 3453

linkkiEspoon kaupunki:
la-talinta dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Trapesa

Goobta kulanka ee caalamiga ah ee Trapesa waxey fidisaa adeeg latalineed. Horay waqti uga qabso. Ururku wuxuu sidoo kale leeyahay qol fadhi ah iska furan, koox ku sheekeysta luqada finnishka iyo dhacdooyin kala duduwna.

Trapesa
Kirkkojärjventie 1
02770 Espoo

Tel. 010 583 7971
Emayl: info(at)trapesa.com

linkkiTrapesa:
Goobta kulanka ee caalamiga ahFinnish

Adeegyada dadka dalka u soo guuray

Qaxootigu wuxuu sidoo kale la xiriiri karaa adeegyada dadka dalka u soo guuray (Maahanmuutajapalvelu) iyo waaxaha arimaha bulshada (sooshaalka) dadka waaweyn ee magaalada Espoo. Adeegga la-talinta waxaa ka heleysaa talo iyo hagis ballan la’aan. La-talinta waxaa lagu bixiyaa luqado badan.

Adeegyada dadka dalka u soo guuray
Pyyntitie 3
02230 Espoo
Tel. (09) 81621

linkkiEspoon kaupunki:
Adeegyada dadka dalka u soo guurayFinnish | Iswidish | Ingiriis

International House Helsinki

Haddii aad dhowaan u soo guurtay soonaha caasimadda, waxaad International House Helsinki hal booqasho uga heli kartaa talo-bixin iyo adeegyada dowladeed. Waxaad ka cadsan kartaa:

  • talo-bixin lacag la’aan ah iyo arrimo la xiriira soo guurista oo ku qoran luqado kala duduwan
  • lambarka aqoonsiga Finnishka, isu-diiwaangelinta sidii degane iyo ogeysiiska macluumaadka cinwaanka
  • kaarka canshuurta iyo lambarka canshuurta, talo-bixin ku saabsan canshuurista
  • macluumaadka macnfacyada ammaanka bulshada
  • talo-bixinta adeegyada Xafiiska Shaqada iyo billaabista shaqo-raadinta
  • talo-bixinta hawlgabka shaqada iyo macluumaadka shahaada A1
  • a talo-bixinta xiriirka shaqada
  • talo-bixin loogu talagalay ganacsatada iyo shaqaalaha

IHH Service Advisor App ee shabakadda ku habboon wuxuu kaa caawinayaa helitaanka hay’adaha dowladda ee saxda ah wuxuuna sidoo kale kaala talinayaa dokumentiyada aad u baahan tahay in aad u soo qaadato booqashada.

Adeegga waxaa qeyb ka ah Talo-bixinta muhaajiriinta ee magaalada Helsinki, Xafiiska diiwaangelinta Uusimaa, Maamulka canshuurta iyo adeegga In To Finland ee Kelada, Xafiiska shaqada ee Uusimaa, Xarunta ammaanka hawlgabka iyo Rugta Ganacisga soonaha Helsinki.

Cinwaanka

Xafiiska diiwaangelinta Uusimaa
Albertinkatu 25
00180 Helsinki

linkkiInternational House Helsinki:
Goobta adeegga IHH ee dadka u soo guuraya Finland Ingiriis

Qorshaha la qabsashada iyo sahminta hore

Sahan-horaadka waxaa lagu sameeyaa adeegyada dadka dalka u soo guuray ee Espoo, ama waaxda arimaha bulshada ee dadka waaweyn.

Adeegyada dadka dalka u soo guuray waxay sidoo kale dadka dalka u soo guuray ku caawiyaan arrimo kale oo la xiriira nolosha Finland.

Shaqaalaha xafiiska shaqada iyo shaqaaleynta ayaa kula sameynaya qiimeyn lagu qiimeynayo heerkaaga aqoomeed iyo qorsheynta la-qabsashada, markaad iska diiwaangeliso inaad tahay shaqo doone . Xafiiska Espoo wuxuu ku yaal Leppävaara.

linkkiEspoon kaupunki:
Adeegyada dadka dalka u soo guurayFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEspoon kaupunki:
Macluumaadka xiriirka shaqada sooshaalka ee dadka waaweynFinnish | Iswidish | Ingiriis

Shaqaalaha xafiiska shaqada iyo shaqaaleynta ayaa kula sameynaya qiimeyn lagu qiimeynayo heerkaaga aqoomeed iyo qorsheynta la-qabsashada, markaad iska diiwaangeliso inaad tahay shaqo doone . Xafiiska Espoo wuxuu ku yaal Leppävaara.

Xafiiska shaqada ee Espoo
Upseerinkatu 3 B
02600 Espoo
Nambarada adeegga dadka dalka u soo guuray: 010 194 105 iyo 010 6040 105

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Xafiisyada shaqada ee UusimaaFinnish | Iswidish

Warar dheeraad ah ka sii aqri: La-qabsashada Finland

Ma u baahan tahay turjubaan?

Haddii aadan aqoonin Finnish ama Iswiidish waxaad isticmaali kartaa turjubaan marka aad ka daneysaneyso shaqaalaha dowlada. Cida markaa kuu qababan qaabineysa turjubaanka waa shaqaalaha dowlada. Markaa turjubaanku waa kuu lacag la'aan.

Sarkaal waxaa loola jeedaa tusaale ahaan booliska, kelada, Xafiiska shaqada ama sarkaalka magaalada Espoo.

Si kastoo ay ahaataba sarkaalku mar walba ma bixinayo turjubaanka. Horay u sii weydii in sarkaalku bixinayo qarashka adeegga turjubaanka.

Waad adeegsan kartaa turjubaan markaad doonto, haddaad adigu dalbaneyso iskana bixineyso kharshka.

Haddii sarkaalku uusan kaa bixineyn turjubaanka, iskaa ayaad u dalban kartaa. Markaasna waa in aad adigu iska bixisaa.

Waxaad si hubaal ah u weydiin kartaa deegyada turjubaanada adeegyada dadka dalka u soo guuray ee magaalada Espoo.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Turjubaan ma u baahan tahay?

linkkiEspoon kaupunki:
Adeegyada dadka dalka u soo guurayFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiSuomen kääntäjien ja tulkkien liitto:
Raadi turjubaan ama afnaqeFinnish | Iswidish | Ingiriis