U gudub macluumaadka ku jira
Vapaa-aika Espoossa

Waqtiyada firaaqada iyo Espoo

Waa la daabacay12.04.2022

Espoo waxaa ka jira fursado badan oo hiwaayad lagu samayn karo. Machadka dadka shaqeeya ee Espoo waxaa laga helaa koorasyo ballaaran oo kala duwan, maktabaduhu dadka oo dhan ayeey u furan yihiin, Jardiinnada Qaranka ee Nuuksio ayaa ah iyaduna meel dhow ku taal. Waxaa kale oo ay carruurta loo diyaariyay wax badan oo fiican oo ay qabtaan.

Guryaha deegaanka ee Kivenkolo iyo Guriga deriska ee Matinkylä waxaa isticmaali kara dadka oo dhan. Guryaha deegaanka dadka agagaarahooda deggani waa isugu imaan karaan islamarkaasna joogi karaan iyagoo ku helaya hagis iyo talooyin. Waxqabadku wuxuu ku baxaa luqado badan oo kala duwan.

Guriga deegaanka ee Kivenkolo
Merisaapas 1 A
02320 Espoo

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Guriga deriska ee Matinkylä
Matinkatu 7
02230 Espoo

Machadka dadka shaqeeya ee Espoo (Espoon työväenopisto) waxaa lagu hiwaayadeyn karaa tusaale ahaan farshaxanka, shaqo gacmeedka, cunto karinta, qoob ka ciyaarka iyo jimicsiga. Meeshaas sidoo kale waxaa lagu baran karaa luqada Finnishka iyo luqado kale.

Espoo waxaa ku yaal qeybo waxbarasheed badan oo dhiga tacliinta aasaasiga ah ee farshaxanka, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay dhalinyarada iyo carruurta. Majaladaha kala duduwan ee farshxanku waa muusikada, sawir-farshaxaneedka, qoob ka ciyaarka, tiyaatarka iyo sirkuska.

Xarunta dhaqanka carruurta Aurora waxay carruurta u qabanqaabisaa munaasabado.

Dhacdooyinka

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVisit Espoo

Dhacdooyinka

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEspoon kaupunki

Dhacdooyinka

Makatabadaha

Espoo waxaa ku yaal maktabado badan. Maktabadda waxaad ka amaanan kartaa jaraa’idyo, muusik, filimaan, ciyaaro iyo waxyaabo badan oo kale. Maktabadaha waxaa yaal buugaag iyo agab kale oo ku qoran luqado badan. Maktabadda waxaa kale oo aad ku isticmaali kartaa kambuyuutarada. Maktabado badan waxaa lagu qabanqaabiyaa bandhigyo iyo dhacdoodyin.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEspoon kaupunki

Maktabadaha

Maktabada luuqadaha badan

Maktabada luuqadaha badan waxay ku taalaa Helsinki Pasila. Halkaas waxaa yaalla buugaag, muusik, jaraa'idyo iyo buugaag codeed ku qoran luuqado badan oo kala gedisan. Waxaad tagi kartaa Pasila ama waxaad dalban kartaa in buugaagta ama waxa kale ee aad dooneysid laguugu soo wareejiyo maktabada kuu dhaw.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunginkirjasto

Maktabada luuqadaha badan

Jimicsiga

Ku dhaqdhaqaaqidda duurka

Espoo waxaa ku yaal goobo badan oo loo socod tago. Tusaale ahaan jardiinada qaranka ee Nuuksio waxay qeyb ahaan ku taal soonaha Espoo.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaSuomen luontokeskus Haltia

boga shabagada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaSuomen Kotikaupunkipolut

Diqdiqooyinka magaalada

Guriga dhirta iyo duurka ee Villa Elfvik waxa lagu qabanqaabiyaa dalxiisyo, dhacdooyin iyo bandhigyo. Gurigaas oo dadka oo dhan u bannaan waxad ka helaysaa nawaaxiga ilaalinta dhirta ee Laajalahti dhinaciisa.

Espoo waxay leedahay tubab jimicsiyeedyo iyo wadooyin loo socod tago oo badan magaalada meel badan uga yaal. Xilliga jiilaalka tubabab jimicsiyeedyo badan waa meelo lagu hiihteeyo. Qeybo kamid ah wadooyinku nal ayeey leeyihiin.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEspoon kaupunki

Bannaan ku socoshada

Xeebaha badda iyo harooyinka waxay leeyihiin xeebo lagu dabbaasho.

Kaluumeysiga

Dhammaan reer Espoo waxay si xornimo leh ugu kalluumeysan karaan kalluumeysiga barafka iyo kan maqaalinta. Ka fiiri macluumaad dheeraad ah bogagga magaalada Espoo.

Sawnooyinka dadweynaha ee Espoo ku yaal

Espoo waxaa ku yaal sawnooyin dadweyne oo badan, kuwaas oo dadka oo dhan u furan. Waxaa kale oo hoolashada dabaasha oo dhan ku yaal sawnooyin.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVisit Espoo

Sawnooyinka Espoo

Waxaad sidoo kale soo barataa sawnooyinka dadweynaha ee Helsinki.

Tiyaatar iyo shaneemo

Espoo waxaa ku yaal tiyaataro xirafadeed iyo hiwaayado.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEspoon kaupunki

Tiyaatarada Espoo

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaFinnkino

Filimada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaKino Tapiola

Filimada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaKannuKino

Filimada

Madxafyada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEspoon kaupunki

Madxafyo

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEspoon kaupunki

Madxafka magaalada

Hiwaayadaha dhalinyarada iyo carruurta

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEspoon kaupunki

Guryaha dhalinyarada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Hiwaayad raadin

Ururada