Warar ku saabsan Espoo
Sidee ayuu gaadiidka dadweynaha ee Espoo u shaqeeyaa? Yaa go’aamiya arrimaha magaalada? Goormee ayaa Espoo la aasaasay? Boggeena ka baro Espoo!
Macluumaadka deegaanka
Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.
Gaadiidka
Gaadiidka dadweynaha
Espoo iyo dhammaan agagaarka caasimadda waxaa ka jira iskuxir gaadiid wannaagsan. Espoo waxaa ku yaal dhowr maxaddo-tareen iyo metro. Magaalada waxaa dhexmara wadooyin baseed badan.
Espoo waxay ka mid tahay isku-xirka gaadiidka degmooyinka ee agagaarka Helsinki (Helsingin seudun liikenne, HSL), taas oo gaadiidka dadweynaha ka qabanqaabisa agagaarka caasimadda.
Adeegga Hagaha wadooyinka (Reittiopas) waxaad ka raadsan kartaa wadooyinka mara agagaarka caasimadda. Adeeggu wuxuu kaala talinayaa sida aad u raaceyso gaadiidka dadaweynaha.
Helsingin seudun liikenne HSL
Hagaha wadooyinkaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaGaadiidka dadweynaha waxaad lacagta lagu raaco ku bixin kartaa ablikeeshinka HSL ee telefoonka ama kaarka safarka. Dukumaamo iyo dabakaayooyin badan ayaa iyaguna iibiya tikidhada safarka. Waxaa kale oo aad tikidka ka iibsan kartaa mashiinka otomaatigga ah. Tikid lagama iibsan karo darawalka.
Helsingin seudun liikenne
Tikidhada iyo qiimahoodaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaSocod iyo baaskiil wadid
Espoo waxaa ku yaal waddooyin badan oo loogu talaggalay socodka iyo baaskiilka, kuwaas oo xittaa xilliga qaboobaha furan.
Espoo iyo Helsinki waxaa laga isticmaalaa baaskiilada magaalada, kuwaas oo aad u isticmaali karto safarada gaagaaban. Iska diiwaangeli adeegga adigoo isticmaalaya bogagga HSL.
Gaadiidka gawaarida iyo diyaaradaha
Saldhigyada tareemada in badan oo ka mid ah, waxaa suurtogal kuu ah inaad gaariga baarkin dhigato oo aad safarkaaga ku sii wadato gaadiidka dadwaynaha.
Gegida diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa waxay ku taalaa degmada Espoo deriska la ah ee Vantaa.
Go’aan sameynta iyo saameyn ku yeelashada
Diinta
Helsingin ortodoksinen seurakunta
Kaniisada OrtodoksigaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaWarar aasaasi ah
Espoo waa mid kamid ah afarta degmo ee agagaarka caasimadda. Waxay dhinaca ku heysaa Helsinki, dhanka galbeed. Espoo waxaa ku yaal shan xarun magaaleed: Leppävaara, Tapiola, Matinkylä-Olari, Espoonlahti iyo Espoon keskus. Kuwaas waxaa dheer oo ay Espoo leedahay goobo la deggan yahay oo yaryar, miyi iyo dabiicad keymeed.
Espoo waa magaalada labaad ee ugu weyn Finland. Espoo waxaa deggan qiyaastii 280 000 oo qofood. Dadka deggan badankood luqadoodu waa Finnish. Kuwa ku hadla luqada Isiwidishku waa qiyaastii 7 %, luqadaha kale kuwa ku hadlana waa qiyaastii 16 %. Ballaca dhulka Espoo waa qiyaastii 528 km2, kuwaas oo 216 km2, oo kamid ah ay biyo yihiin.
Taariikhda
Agagaarka Espoo waxaa la deganaa qiyaastii 8000 oo sano kahor. Koonfurta Espoo waxay markaas aheyd bad. Sanadkii 1200 waxaa Espoo u soo guuray muhaajiriin badan oo dhinaca Iswidishka ka timid. Espoo waxay sanadkii 1400 noqotay dhul madaxbanaan oo ay hoos yimaadaan dhor tuulo. Espoo waxaa laga dhisay guryo waa weyn, kuwaas muhiim u ahaa horumarka Espoo. Markii ay Finland noqotay qeyb kamid ah Ruushka waxaa caasimadda laga dhigay Helsinki sanadkii 1812. Inkastoo ay Helsinki u kortay degdeg, Espoo waxay mudo dheer aheyd dhul deggan oo maamul miyi leh. U soo guurista Espoo waxay badatay sanadkii 1940kii iyo wixii ka dambeeyay. Sanadkii 1950kii Espoo waxaa deganaa 25000 oo qofood, shan sano kadibna dadka deggan waxay ahaayeen 650000. Espoo waxay magaalo noqotay sanandkii 1972.