Deganaanshaha Espoo
Espoo waa magaalo ammaan iyo raaxo ah oo la dego. Espoo waxay leedahay shan xarun magaao, adeegyo fiican iyo isku xirka gaadiidka dadweynaha. In ka badan kalabar dadka reer Espoo waxay deggan yihiin guryo dabaq ah. Intooda badan waxay deggan yihiin guryo ay iyagu leeyihiin.
Macluumaadka deegaanka
Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.
Guri kiro ah
Magaalada Espoo iyo qolooyin badan oo kale oo ayaa waxay kireeyaan guryo ku yaal qaybo badan oo magaalada ah. Waxaa kula gudboon inaad waqti siiso raadinta guriga isla markaasna aad baartid is barbardhiga wadiiqooyin kala gedisan,
Qiimaha guryaha la kireysto ee Espoo waa kuwa aad isu bedbeddela. Qiimaha waxaa saameyn ku leh meesha uu gurigu ku yaal, cabirka iyo xaaladda guriga.
Guryaha kirada ah ee gaarka loo leeyahay
Shakhsiyaadka gaarka oo guryaha kireeya ayaa inta baddan si dhaqso ah guri looga helaa, laakiin waxaa laga yaabaa in kiradu ay ka sareyso tan guryaha kirada ah ee magaaladu leedahay.
Waxaad guri kiro ah oo gaar loo leeyahay ka raadin kartaa adigoo maraya bogga internetka ee kiro-bixiyaaasha magaalada Espoo:
Haddii aad ka yar tahay 30-sano, waxaad sidoo kale guri kiro ah ka raadin kartaa shirkada Espoon alkuasunnot Oy ama jamciyada dhalinyarada (Nuorisosäätiö).
Haddii aad tahay arday, Espoo waxaad ka heli kartaa guryaha kirada ee ardayda. Guryaha kirada ee ardayda waxaa bixiya mu’asasada ardayda ee agagaarka Helsinki (Helsingin seudun opiskelija-asuntosäätiö (HOAS) iyo ururka ardayda ee jaamacadda Aalto AYY.
Aalto-yliopiston ylioppilaskunta
Guryaha la kireysto ee ardaydaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaGuri iibsasho
Guri xuquuqda daganaanshaha la leeyahay
Haddii aad raadineysid guri xuquuqda daganaanshaha la leeyahay, waxaad u baahanaysaa lambarka nidaamka kala horeynta. Kaasna waxaad ka codsanaysaa magaalooyinka Espoo iyo Helsinki.
Dagaan ku meel-gaar ah
Espoo waxaa ku yaala hoteelo kala duwan, kuwaas oo si ku meel-gaar ah loo daganaan karo.
Guriyeynta caawinta iyo adeegga
Haddii aad dooneysid inaad wax ka weydiiso arimaha la xiriira adeegyada caawinta dadka da'da ah, la xiriir la talinta dadka da'da ah ee Espoo.
Tel. 09 816 33 333
E-mail: nestori(at)espoo.fi
Qashinka iyo dib u isticmaalidda
Helsingin seudun ympäristöpalvelut
Qashinka iyo dib u isticmaaliddaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaGuri la'aanta
Talobixinta deegaanka ee magaalada Espoo waxaad caawimaad u weydiisan kartaa dhibaatooyinka deegaanka la xiriira oo dhan.
Marka ay jirto xaalad degdeg ah, waxaad la xiriiri kartaa heeganka sooshalka iyo xasaradaha ee Galbeedka Uusimaa.
Heeganka sooshalka iyo xasaradaha ee Galbeedka Uusimaa (Länsi-Uudenmaan sosiaali- ja kriisipäivystys)
Vitikka 1 C
02630 Espoo
Tel. (09) 816 42439