Luqada Finnishka iyo Iswidishka ee Espoo
Espoo waxaad afka Finnishka iyo Iswiidhishka ka baran kartaa goobo badan. Waxaa intaas dheer in naadiyada ku sheekeyiga afka Finnishka ee dadka oo dhan u furan lagu qabanqaabiyo tusaale ahaan maktabadaha.
Macluumaadka deegaanka
Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.
Koorsada luuqada
Adigoo kaalmeysanaya Finnishcourses.fi waxaad kooras luqada Finnishka ah oo kugu habboon ka raadsan kartaa Helsinki, Vantaa, Espoo ama Kauniainen. Koorasyada luqadaha Finnishka iyo Isiwidishka waxaa espoo ka qabanqaabiya tusaale ahaan Omnia, machadka dadka shaqeeya ee Espoo, jaamacadda furan ee jaamacadda Aalto, dugsiga sare ee dadka waaweyn ee Espoo, Luksia iyo Axxell.
Kula sheekeyso luqadda Finishka
Maktabadaha Espoo waxaa laga qabanqaabiyaa wada-qaxweyn luqadda ah, kuwaasoo lagu tabarbar qaato ku hadalka luqadda Finishka. Wada-qaxweynta luqadda waxaa lagu wada sheekeystaa luqadda finishka, waana arin wanaagsan haddaad taqaan wax yar oo luqadda finishka ah. Wada-qaxweynta luqaddu waa lacag la’aan. Wada-qaxweynta luqadda waxaa ay ka jiraan: maktabadda Entresse, maktabadda Omena, maktabadda Kivenlahti, maktabadda Sello iyo maktabadda Tapiola.
Goobta caalamiga ah ee kulanka Trapesa waxaad kaga qeybqaadan kartaa wadahadal luqadda finishka ah iyo koox wabarasho ahaan. Kooxdaasi waxaa ay u furan tahay dhammaan dadkoo dhan, waana lacag la’aan.
Cinwaanku waa Kirkkojärventie 11, asemasilta, Espoo keskus.
Kansainvälinen kohtaamispaikka Trapesa
Kooxaha wada sheekeysiga luqadda FinishkaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaWadajir aan wax u akhrino dumarka loogu tala galey
Waxaa kale oo Espoo ka jira kooxaha loo yaqaan Wadajir aan wax u Akhrino (Luetaan yhdessä), kuwaas oo ay dumarku aadi karaan si ay uga bartaan luqada Finnishka.
Goobta deganayaasha ee Kivenkolo
Waxaa kale oo luqada Finnishka lagu leylin karaa goobta deganayaasha ee Kivenkolo. Kivenkolo waxay ku taalaa Espoonlahti . Halkaasna waxaa laga qabanqaabiyaa waxqabadyo kala duduwan oo xilliyada firaaqada ah la sameeyo.