Waxbarasho-horaadka
Waalidiintu waxay waxbarasho-horaadka carruurtooda u dalbaan inta badan Janaayo ama Febraayo. Waqti hore ka hubso waxqabadka iskuulka (koulutoimi) ama waxbaqadka waxbarashada (sivistystoimi) ee degmadaada.
Degmooyinka ayaa qabanqaabiya waxbarasho-horaadyada. Degmooyinku waxay sidoo kale ka iibsan karaan adeegyada waxbarasho-horaadka xanaanooyinka gaarka loo leeyahay.
Waxbarasho-horaadku waa lacag la’aan. Cunugu wuxuu helayaa maalintii cunto lacag la’aan ah. Haddii cunug degan yahay meel ka fog goobta waxbarashada (ka badan 5 KM) wuxuu helayaa gaadiid qaada oo lacag la’aan ah.
Waxbarasho-horaadka ka sokow, cunuggu wuxuu ka qeybqaadan karaa barbaarin-horaadka, haddii ay waalidku shaqeynayaan ama ay wax baranayaan.
Maalinta waxbarasho-horaadka
Maalinta iskuul-horaadku waxay qaadataa qiyaastii afar saacadood. Carruurtu waxay dhigtaan iskuul-horaadyada ku yaal xanaanada ama iskuulka.
Carruurtu waxay ku bartaan iskuul-horaadka waxyaabaha ay ka midka yihiin xisaabta, deegaanka iyo cilmiga bii’ada, dhaqanka iyo farshaxanka. Waxyaabaha cusub waxay ku bartaan iyadoo qaab ciyaareed la adeegsanayo.
Waalidiintu waxay door muhiim ah ku leeyihiin iskuul-horaadka. Waxay cunugooda ka kaalmeynayaan waxbarashada. Macalliimiinta waxay cunug walba u sameynayaan qorshe waxbarasho oo u gaar ah. Waalidiintu waxay horjoogayashaa ka caawin karaan sameynta qorshahaas.
Luqadaha iyo dhaqamada ee waxbarasho-horaadka
Cunuga afkiisa hooyo uusan aheyn Finnish ama Iswidish wuxuu Finnishka ama Iswidishka u baranayaa sidii luqad labaad oo kale. Taas waxaa sii dheer oo uu baran karaa afkiisa hooyo haddii degmadu qabanqaabiso barashada luqadaas.
Cunugu wuxuu iskuulka-horaadka gudihiisa ka heli karaa waxbarashada diintiisa ama falsafada.
Carruurtu waxay ka bartaan gudaha iskuul-horaadka qiimeynta luqadooda iyo dhaqankooda.